Arsenal Oo Ka Baxday Saxiixa Goolhayihii Ay Ku Bedeli Laheyd Bernd
Arsenal ayaa lagu qasbay inay ka laabato qorshaha saxiixa goolhayaha kooxda Brentford oo lagu magacaabo David Raya madaama kooxda Brentford ay u soo baxday Premier Leavue.
- Advertisement -
Gunners ayaa isha ku heysay goolhayahaan xilli ciyaareedkan oo dhan iyadoo uu ku taliyay in la soo xerogeliyo tababaraha goolhayayaasha Gunners Inaki Ryan.
Goolhaye David Raya ayaa qandaraaskiisa Brentford waxaa lagu burburin karay 10 milyan ginni haddii ay Brentford ku guuldareysan laheyd inay u soo baxdo Premier League taasoo ay Arsenal ka warqabtay.
Si kastaba, Brentford ayaa xaqiijisatay booskeeda Premier League ee xilli ciyaareedka danbe ka dib markii ay ciyaartii finalka ee Play-offs-ka heerka labaad ay 2-0 kaga badiyeen Swansea, taasoo meesha ka saartay qodobkii dhigayay in Gunners sy 10 milyan kaliya kula wareegi karto goolhaye David Raya.
Haatan Brentford ayaa awood u leh inay ceshato goolhayaha ama ay ku iibiso lacag qaali ah madaama uu baaba’ay qodobkii dhigayay in qandaraaskiisa lagu burburin karo 10 milyan ginni taasoo ku xirneyd kaliya inay u soo baxaan Premier League.
Goolhayaha koowaad ee Arsenal Bernd Leno ayaa lala xiriirinayaa inuu baxayo halka goolhaye Runar Alex Runnarsson uu fashilmay.
Haatan kooxda reer London ayaa ku qasban inay balaariso baadigoobkeeda goolhaye cusub madaama Raya uu sii joogayo kooxda Brentford.