Arsenal, Granada, Roma Iyo Kooxaha Kale Ee Iska

Arsenal ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay ee iska xaadirisa wareegga siddeedda tartanka Europa League, iyadoo kasoo dul-tallaabsaday kooxdii xilli ciyaareedkii hore reebtay ee Olymbiakos.

- Advertisement -

Gunners ayaa lagaga badiyey 1-0 iyadoo joogta garoonkeeda Emirates Stadium, laakiin waxay soo shaqaysatay kulankii hore oo ay 3-1 kusoo garaacday Olymbiakos iyadoo joogta waddanka Giriigga.

Arsenal ayaa waxa kale oo lasoo baxay kooxaha Granada iyo AS Roma oo kasoo kala tallaabsaday Molde iyo Shakhtar Donetsk, waxaana isla caawa kusoo biir doona shan kooxood oo kale oo dhamaystiri doona siddeedda kooxood ee u gdubaya wareegga siddeedda, berrina loo samayn doono isku-aadka.

Arsenal ayaa durduro ku timid wareegga iyadoo celceliska labada ciyaarood kusoo baxday 3-2, waxaana ka caawisay libintan shaqadii fiicnayd ee ay ciyaartoygeedu qabteen kulankii hore.

Olymbiakos ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta dhashatay goolka madiga ah ee caawa kala saaray labada kooxood, iyadoo uu shabaqa soo taabtay daqiiqaddii 51aad xiddiga Carbeed ee Youssef El Arabi.

Kooxda reer Talyaani ee AS Roma ayaa iyaduna guul weyn ka gaadhay Shakhtar Donetski labadii ciyaarood ee labada garoonba, waxaana caawa ay guushu ku raacday 2-1.

Weeraryahanka reer Spain ee Borja Mayoral ayaa Roma u dhiibay hoggaanka bilowga qaybta labaad, laakiin Shakhtar Donetsk ayaa 11 daqiiqadood kaddib ciyaarta isku-mid kaga dhigtay gool uu u saxeexay Junior Moraes.

Mayoral ayaa mar kale muujiyey awooddiisa gool-dhalinta waxaana daqiiqaddii 72aad uu goolka Shakhtar ku hubsaday kubbad uu ka helay Carles Perez.

Celceliska labada kulan ayay AS Roma kusoo baxday 5-2, waxaanay sugaysaa in nasiibkeeda ay ka qaaddo isku-aadka wareegga siddeedda oo berri oo Jimce ah la samayn doono.

Kooxda reer Spain ee Granada ayaa iyaduna u gudubtay wareegga siddeedda inkasta oo kooxda Molde ay kaga badisay 2-1, waxa se Granarada caawisay kulankii hore oo ay 2-0 kusoo badiyeen, taas oo celceliska labada ciyaarood ka dhigtay 3-2.

Kulankii afraad ee mar la bilowday saddexda ciyaarood ee sare oo ahaa Tottenham iyo Dynamo Zagreb ayaa lagu daray soddon daqiiqadood oo dheeraad ah, kaddib markii Spurs laga dhaliyey laba gool qaybtii dambe.

Natiijooyinka kama dambaysta ah ee siddeedda kooxood ee usoo gudba wareegga siddeedda Europa League waxa aanu idiin soo gudbin doonaa marka ay soo dhamaadaan kulamada oo dhan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More