AKHRISO OO HA YAABIN: Martin Braithwaite Waa Milyaneer Hantidiisu
Denmark oo uu hormood u ahaa Martin Braithwaite waxay xalay ka hadheen tartanka Euro 2020 oo ay soo gaadheen finalka, waxaanay sababsadeen rikoodh muran ku jiray oo waqtigii dheeraadka ahaa loo dhigay Raheem Sterling oo xerada ganaaxa ku dhacay.
- Advertisement -
Intii uu tartanku socday oo ay ku jirto ciyaartii ugu dambaysay, ma ahayn laacibkii aad ku taqaanay Barcelona ee kaydku dilay, isla markaana sidii ciyaartoy liita xilliyada dambe mar-mar uun loo keenayay. Waxa uu ahaa tiir-dhexaad, hoggaamiye iyo xiddig ay kasii baqayaan difaacyahannada, isla markaana joojintiisa lagu dhibaatoonayay.
Wax kasta oo aad indhahaaga ku aragtay muddadii bisha ahayd ee uu socday tartanku iyo bandhig kasta oo uu sameeyey laacibkani, waxa jirta xaqiiqo kale oo aanad arag, kana war-haynin oo ku saabsan laacibkan.
Martin Braithwaite waa ganacsade milyaneer ah, waxay hantidiisu ka gudubtay qaaradaha iyadoo daadsan illaa waddanka Maraykanka. Waa shaqsi samaystay ganacsi guuleystay oo ay shuraako yihiin adeerkii.
Qaybta ganacsi ee guuleysatay ee uu Martin Braithwaite ku leeyahay waddanka Maraykanka ayaa lagu qiyaasay inay kor u dhaafto 250 milyan oo Euro, sida ay sheegtay jariidada dhaqaalaha wax ka qorta ee Forbes.
Martin Braithwaite iyo adeerkii ayaa sannadkii 2017 waxay dalka Maraykanka ka bilaabeen shirkad maalgashi, waxaanay kaliya ku aas-aaseen lacag gaadhaysay 850,000 Euro, laakiin dhamaadkii sannadkaas ayaa waxay shirkaddu samaysay koboc gaadhaya 10 milyan oo Euro.
Hadda oo lagu jiro 2021, waxay shirkaddaasi samaysay faa’iidooyin iyo korodh aad u weyn, iyadoo lagu qiyaasay 250 milyan oo Euro, taas oo ka dhigan in sannadkiiba ay tobannaan milyan oo Euro faa’iidaan.