Akhriso Kalmadihii Ugu Horreeyey Ee Kasoo Yeedhay David Alaba Markii U
David Alaba ma sugi karayo inta ay bilaabmayso noloshiisa ciyaartoynimo ee Real Madrid, kaddib markii uu xalay fiidkii heshiis u saxeexay kooxda reer Spain.
- Advertisement -
Xiddiga reer Austria oo bishii January heshii is-faham ah lasii gaadhay Real Madrid ayaa si ramsi ah u noqday ciyaartoy Real Madrid ka tirsan, waxaana uu Santiago Bernabeu imanayaa iyadoo maalmo ka hor uu ka tegay Zinedine Zidane, isla markaana la filayo in ay ciyaartooyo kale baxaan.
28 jirkan ayaa dareenkiisa in uu noqday ciyaartoy Real Madrid ah, waxa uu kusoo bandhigay bartiisa bulshada ee Twitter-ka, isagoo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu yimid koox taariikh weyn leh kaddib sannado badan oo uu joogay Munich.
Waxa kale oo uu amaanay kooxda reer Spain oo uu ku tilmaamay mid cajiib ah oo aanu sugi karaynin inta uu xilli ciyaareedku bilaabmayo ee uu kulankiisa ugu horreeya u safanayo, waxaanu yidhi: “Waxa aan ka tegay koox heersare ah oo aan uga gudbay mid kale oo heersare ah.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan qayb ka noqdo Real Madrid. Kaddib sannado badan oo aan joogay Munich, waxa aan qaadanayaa loollankan cusub, waxa aanan sidayda ugu wanaagsan uga shaqayn doonaa sidii aan usii wadi lahaa taariikhda kooxdan cajiibka ah.
David Alaba oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaalada Madrid, waxa uu ku biirayaa xulka qarankiisa Austria ee isku diyaarinaya tartanka Euro 2020 ee bisha June bilaabmaya, waxaanu kusoo laaban doonaa Real Madrid bisha July.