AKHRISO: Hadaladii Kasoo Yeedhay Eriksen 30 il-Bidhiqsi Kaddib Markii
Dhakhtarkii kasoo caawiyay Christian Eriksen inuu badbaado kaddib markii uu wadnaha halis u galay toddobaadkii hore kulan ka tirsanaa Euro 2020 ayaa shaaca ka qaaday hadaladii ugu horreeyay ee kasoo yeedhay ciyaaryahankaas.
- Advertisement -
Khadka dhexe ee Inter Milan ayaa garoonka ku dhex miyir beelay qaybtii hore ee kulan xulkiisa Denmark la ciyaaray dhigooda Finland isaga oo u baahday in mudo 13 daqiiqo ah qalabka PCR lagu dabiibo kahor inta aan isaga oo xaalad degen ku jira dhakhtarka lagu geynin.
Dhakhtarka ree Germany ee Jens Kleinefeld ayaa ahaa mid kamida dadkii ugu horreeyay ee deg-deg u gaadhay Eriksen ciyaartii Parken Stadium ka qabsoontay.
Jens Kleinefeld ayaa haatan soo bandhigay hadaladii ugu horreeyay ee kasoo yeedhay 29 sano jirkaas kaliya 30 il-bidhiqsi kaddib markii uu xaalada adag galay.
Jens Kleinefeld oo la hadlayay Fox Sports ayaa isaga oo wixii dhacay ka sheekaynaya hadalkiisa ku bilaabay “30 ilbidhiqsi kaddib, ciyaaryahanku waxa uu furay indhihiisa toos ayaanan ula hadli karayay”
“Taasi waxa ay ahayd daqiiqad aad u wanaagsan, sababtoo ah xaaladahaas caafimaad ee deg-dega ah ee maalin kasta dhaca, nolosha fursadaha loogu guuleysan karaa waa kuwo aad u hooseeya”
Dhakhtarka ayaa kaddib shaaciyay inuu Eriksen weydiiyay “Hagaag, ma nagu soo laabatay? Eriksen ayaana ku jawaabay ‘Haa, waan idinku soo laabtay, Ish, kaliya 29 sano jir ayaan ahay”