AFAR Xiddig Oo Liverpool Ah Oo Xasuuqay Wolves, Reds Oo

Liverpool ayaa figta ugu sarraysa ee horyaalka Premier League ku qabsatay Tottenham, kaddib guul weyn oo ay ka gaadhay Wolves oo ugu timid Anfield.

- Advertisement -

Reds ayaa farxadda kula qaybsatay taageereyaasheeda kusoo laabtay garoomada, waxaanay kaga farxiyeen nus-dersin goolal ah oo ay xiddigaheedu si hawl-yaraan ah ugu shubayeen goolka Wolves oo aanay ku jirin tamartii iyo awooddii looga bartay.

Tababare Jurgen Klopp ayay kooxdiisu yeelatay 24 dhibcood oo ay horyaalka ku wada hoggaaminayaan Tottenham, waxaana gool dhalinta u furay Mohamed Salah, waxaanu goolkaasi noqday midka kaliya ee qaybtii hore ee ciyaarta dhashay.

Qaybtii labaad ayuu Georginio Wijnaldum hoggaanka usii dheereeyey kooxdiisa Liverpool, waxaana mid saddexaad raaciyey Joel Matip iyo Sadio Mane oo shabaqa ku leexiyey kubbad uu dhinaca midig kasoo dhiibay Trent Alexander-Arnold oo beddel kusoo galay kaddib dhaawac uu muddo bil ah ku maqnaa.

Shaxdii labada kooxood

WOLVES (4-3-3): Rui Patricio; Nelson Semedo, Conor Coady (c), Willy Boly, Marcal; Joao Moutinho, Ruben Neves, Leander Dendoncker; Adama Traore, Daniel Podence, Pedro Neto.

Kaydka: John Ruddy, Vitinha, Rayan Ait Nouri, Maximilian Kilman, Ki-Jana Hoever, Romain Saiss, Fabio Silva.

LIVERPOOL (4-3-3): Caoimhin Kelleher; Neco Williams, Joel Matip, Fabinho, Andrew Robertson; Curtis Jones, Jordan Henderson (c), Georginio Wijnaldum; Mohamed Salah, Roberto Firmino, Sadio Mane.

Kaydka: Nathaniel Phillips, Takumi Minamino, Naby Keita, Konstantinos Tsimikas, Diogo Jota, Adrian, Trent Alexander-Arnold.

Jurgen Klopp oo ay u ahayd habeen uga duwan habeennada kale ayaa garoonka Anfield jawi wanaagsan kula wadaagay taageereyaal tiradoodu ahayd 2,000 qof oo markii ugu horreysay kasoo xaadiray tan iyo bishii March ee horraantii sannadkan.

Tababaraha reer Germany ayaa xiddigihii afka hore ee ay taageereyaasha u wada sacabin jireen kusoo bilaabay ciyaarta isaga oo ka dhex saaray Diogo Jota, sidoo kalena ay kaydka ugu jireen Trent Alexander-Arnold iyo Naby Keita oo dhaawac ay kasoo laabteen kaddib beddel kusoo galay qaybtii dambe.

Mohamed Salah ayaa daqiiqaddii 24aad ee ciyaarta hoggaanka u dhiibay kooxdiisa, isaga oo ka faa’iidaystay qalad uu sameeyey Coady oo kubbad ay ahayd inuu madaxa ku celiyo go’aansaday inuu shafka ku dejisto, hase yeeshee waxa ka xaday Mohamed Salah oo aan wax fursad ah siinin goolhaye Patricio oo isaguna awoodi waayey inuu badbaadiyo kooxdiisa.

Wolves ayaa dalbatay rikoodhe qaybta hore oo sii dhamaanaysa iyadoo uu Coady dhulka ku dhacay xilli uu boobayay kubbad laag xor ahayd oo uu soo tuuray Moutinho. VAR oo laga soo hubiyey in wax qalad ah lagu sameeyey Coady ayaa waxa caddaatay in Sadio Mane uu lugta ka laabtay markii uu arkay Coady oo kubadda boobaya.

Georginio Wijnaldum ayaa qaybtii dambe hoggaanka usii dheereeyey kooxdiisa isaga oo shabaqa ku hubsaday kubbad ka timid Jordan Henderson, halkaas oo ay kooxdiisu ku xaqiiqsatay inay tahay habeenkeedii.

Daqiiqado kooban kaddib ayaa kub bad uu soo qaaday Mohamed Salah waxa madax ku qabtay Joel Matip oo 3-0 ka dhigay natiijada ciyaarta. Laacibka reer Cameroon oo difaacis cajiib ah samaynayay ayaa damaashaadka ay la wadaageen xiddigaha kooxdiisu.

Sadio Mane oo shaqo badan garoonka ka qabtay ayaa ugu dambayntii helay goolkiisa waxaanu shabaqa ku leexiyey kubbad uu dhinaca midig kasoo dhiibay Alexander-Arnold oo beddel kusoo galay, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 4-0 ay guushu ku raacday Liverpool.

Guushan ayaa Liverpool geysay figta sare ee horyaalka oo ay wada fadhiyaan Tottenham Hotspur oo ku horreysa farqiga goolasha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More