Actual Madrid Iyo Chelsea Oo Barbarro Ku Dhamaystay Lugta Hore Ee
Chelsea ayaa barbarro muhiim u ah kasoo heshay Actual Madrid oo ay ugu tagtay waddanka Spain lugta hore ee semi-finalka Champions League iyagoo kusoo kala baxay 1-1.
- Advertisement -
Ciyaar aad u xiiso badnayd oo ay inta badan maamulaysay Chelsea ayay kooxda reer London iska lumisay fursado badan oo caddaan ah oo bilowga qaybtii horeba ciyaarta ku dili karaysay.
Daqiiqaddii 14aad ayay Chelsea heshay gool ay u qalmaysay oo uu u saxeexay Christian Pulisic oo xerada ganaaxa ugu jaray Thibaut Courtois xilli difaacuna ay goolka u weydaarteen, waxaanu ciyaarta ka dhigay 1-0.
Pulisic ayaa noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee u dhashay Maraykanka ee gool ka dhaliya semi-finalka Champions League iyo laacibkii ugu da’da yaraa ee Chelsea u dhaliya gool semi-finalka Champions League ama finalka intaba, waxaanu rikoodhkaas kala wareegay Ramires oo Barcelona ka dhaliyey gool sannadkii 2012 isagoo 25 jir ah.
Karim Benzema ayaa gool qurux badan ku barbarreeyey ciyaarta, waxaana kubbad uu uu Marcelo ku dhex-tuuray xerada ganaaxa madax kusoo celiyey Casemiro, taas oo u timid Eder Militao oo isaguna madax kale kusii raaciyey, ka hor intii aanay u tegin Benzema oo shaf ku qabsaday isagoo dhinaca kale usii jeeda, laakiin si dhinac ah kubadda ugu toogtay goolka Chelsea oo ka dambeeyey.
Benzema ayaa helay fursad kale oo qaali ahayd, waxaanu birta u garaacay Chelsea ka hor intii aanu goolka dhalin.
Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay barbarro 1-1 ah, waxaanay lugta labaad wada ciyaari doonaan Arbacada usbuuca dambe oo ay garoonka Stamford Bridge ee Chelsea ku kulmi doonaan.
Shaxdii labada kooxood
CHELSEA (3-4-3): Edouard Mendy; Andreas Christensen, Thiago Silva, Antonio Rudiger; Cesar Azpilicueta, N’Golo Kante, Jorginho, Ben Chilwell; Mason Mount, Christian Pulisic, Timo Werner.
Kaydka: Kepa Arrizabalaga, Marcos Alonso, Tammy Abraham, Willy Caballero, Kurt Zouma, Olivier Giroud, Callum Hudson-Odoi, Hakim Ziyech, Billy Gilmour, Reece James, Kai Havertz, Emerson.
REAL MADRID (3-5-2): Thibaut Courtois; Eder Militao, Raphael Varane, Nacho Fernandez; Daniel Carvajal, Toni Kroos, Casemiro, Luka Modric, Marcelo; Karim Benzema, Vinicius Junior.
Kaydka: Eden Hazard, Marco Asensio, Andriy Lunin, Alvaro Odriozola, Isco, Mariano Diaz, Rodrygo Silva, Diego Altube, Sergio Arribas, Antonio Blanco, Miguel Gutierrez.
Chelsea ayaa ku bilaabatay qaab xooggan, waxaana daqiiqaddii ugu horreysayba ay kubadda ka xoogsadeen Marcelo iyagoo halis geliyey in ay shabaqa soo taabtaan.
Daqiiqaddii tobnaad ayuu Timo Werner kubbad halis ahayd la hor-tegay goolhaye Courtois, waxaana labada lugood iskaga soo qabtay goolahayaha Actual Madrid oo diiday in goolkiisa si sahlan lagu gaadho.
GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!!! Christian Pulisic ayaa gool qurux badan ku hubsaday shabaqa Actual Madrid, waxaana kubbad uu Rudiger uga soo tuuray khadka dhexe uu la hor-tegay goolhaye Courtois oo uu ugu jaray xerada ganaaxa dhexdeeda, taas oo uu garabka kaga sii dhuftay Varane, sidaana waxay Blues bilowgiiba ugu dabbaal-degay goolka ay la hormartay.
Karim Benzema ayaa daqiiqaddii 23aad ka jawaabay, waxaana uu khadka dhexe kasoo dhisay kubbad ugu dambayntii uu lugta bidix si awood badan ugu toogtay goolka Chelsea, waxaanu dhaafiyey goolhaye Mendy, hase yeeshee birta ayay kaga dhacday.
GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!!!!!!!! BENZEMA ayaa barbarreeyey!!!!! 1-1!!!! Xiddiga reer France ayaa xerada ganaaxa ka helay kubbad ay madax kusoo dhufteen Casemiro iyo Eder Militao, waxaana uu ku qabsaday shafka ka hor intii aanu kubadda oo sii jeeday si gudub ah dhinaca goolka ugu soo tooganin. Alla qurux badnaayee goolku!!!!
Chelsea oo inta badan kubadda maamulanaysay ayaa qaybtii dambe heshay fursad kale oo dahabi ahayd, kaddib markii uu Marcelo lumiyey kubbad taas oo u tagtay Werner, hase yeeshee Militao ayaa la baxsaday kooxdiisa.
Karim Benzema ayaa isaguna toogasho bannaanka ka sameeyey, waxaanay kubaddu noqotay mid aan goolka u dhoweyn oo dusha sare martay.
25kii daqiiqadood ee ugu dambeeyey ciyaarta ayay Actual Madrid lasoo baxday khibraddeeda sannadaha badan, waxaanay Chelsea si buuxda ugala wareegtay ciyaarta, iyadoo samaysay fursado aan khatar badan ku ahayn Blues.
Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay barbarro 1-1 ah, waxaanay labada kooxood Arbacada usbuuca dambe ku kala bixi doonaan garoonka Stamford Bridge ee Chelsea.