Xiddig Magac Weyn Ku Lahaa Arsenal & Barcelona Oo Ku Biiray

Ciyaaryahankii hore ee Arsenal iyo Barcelona Alex Song ayaa ku biiray koox ka dhisan horyaalka Dalka Jabuuti.

Song oo 33 sanno jir ah ayaa qandaraas labo sannadood ah u saxiixay kooxda dalka Jabuuti ka dhisan ee AS Arta Solar 7.

Xiddigii hore ee xulka Cameroon ayaa heshiis xor ah ugu wareegay kooxdaan. Waxa uu ka tagay kooxda reer Switzerland ee Sion bishii March ee 2020 isaga iyo sideed xiddig kale ka dib markii ay diideen inay hoos u dhigaan mushaharkooda sababto la xiriira Korona Fayras.

Ka hor inta uusan ka ciyaarin horyaalka Switzerland, Song waxa uu u dheelayay kooxda Ruushka ee Rubin Kazan halkaasoo uu ku rafaaday isagoo u sheegay wargeyska Telegraph inuu Ruushka ku noqday mid bilaa guri ah oo cidlon dareemaya.

“Sannad ayaa iigaga lumay Kazan” ayuu yiri Song.

Alex Song ayaa ka tirsanaa Arsenal intii u dhaxeysay 2006 ilaa 2012 isagoo qeyb muhiim ka ahaa shaxda kooxda Gunners ka hor inta usuan sannadkii 2012 ku biirin kooxda Barcelona oo uu saaxiib la noqday kursiga keydka.

Song wuxuu xulka Cameroon u ciyaaray Koobka Adduunka sannadkii 2010. Waxa uu sidoo kale qeyb ka ahaa xulkii Cameroon ee ka qeyb galaya Koobka Qaramada Afrika ee 2010 isagoo ka mid noqday shaxdii ugu fiicneyd tartankaas.

Song waxa uu sidoo kale heystaa baasaboor Faransiis, waxaana adeer u ah xiddigii hore ee kubada cagta Rigobert Song.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More