Ganacsatada Kenya oo ku qaylinaya in la furo xadka gobolka
Ganacsatada kalluunka qalalan ee gobolka Lamu ee dalka Kenya, ayaa codsaday in dib loo furo xadka Lamu iyo Soomaaliya si ay awood ugu helaan in ganacsigoodu u gudbo Soomaaliya.
Magaalooyinka Kismaayo iyo Muqdisho ayay kaluunka u soo doonan jireen. Gudaha Kenya ayay dib ugu celin jireen si ay lacag uga sameeyaan. Balse, waxaa haatan baayacmushartaas hakiyey in uu xiranyahay xuduudka u dhexeeyo lawada wadan ee geeska Afrika dhaca.
Bishii June ee sanadkii lasoo dhaafay 2019-kii ayay xukuumadda Nairobi u soo rogtay xayiraadaas sababo ku aadan ka hortagida ganacsiga sharci darada ah, dhoofinta dadka iyo weeraro kaga yimaadda xooggaga hubaysan ee Al-Shabaab.
Aboud Athman oo kamid ah ganacsatada kaluunka una waramay The Star ayaa daaha ka rogay in sicirka uu sii kordhayo hadii xayiraadda sii jirto kana walwalsan yihiin in dowladda ay ka gubto hadii suuq madow ku shaqeystaan.
“Waxaan kaliya shaqeysan karnaa xayiraad la’aan. Kani waa hal ganacsi waxaan lagu sameyn karaa iyaddoo la ogolaado in labada dhinac wax is-dhaafsadaan. Si fudud waan u noolaan karnaa balse ma dhaceyso hadii aan xuduudaha labada dhinac la isku gudbi karin” ayuu ku nuuxnuux saday kalluumeystaha.
Bishii April ee sanadkan 2020, ciidamadda amniga ayaa gubay 15 tan oo kalluun qalalan oo ka yimid Soomaaliya kuna fadhiya 5 milyan lacagta Kenya. Saraakiisha waxay ku qeexeen mid qaab sharci darro kusoo galay waddankaas.
Muqdisho iyo Nairobi ayaan xiriirkooda hagaagsaneyn sanadihii ugu dambeeyay iyagoo isku haya dacwadda badda ee hortaala ICC. Inkasta oo dedaalo isu soo dhowaanshiyo ay qaadeen, shacabka waa cidda dhibaatada ay gaareyso.
Bishii Abriil ee sanadkan, hay’adaha amniga ee dalka Kenya ayaa qabtayn oo ay gubeen wax ay ugu yeereen shixnad sharci darro ah oo kalluun qalalan ah oo culeyskiisu ahaa 12 tan, qiimihiisuna yahay Sh5 milyan.