“Insha Allah Waa Dagaalkii Iigu Dambeeyey, Geeridii Abbahay

Feedhyahanka Muslimka ah ee Khabib Nurmagomedov ayaa ku qasbay Justin Gaethje inuu gargaar weydiisto garsooraha ciyaarta, isla markaana la joojiyo ciyaarta oo socota, kaddib markii uu Khabib Nurmagomedov qoorta kaga qabtay labadiisa lugood oo uu kusoo laabtay, taas oo keentay in feedhkaasi si degdeg ah usoo dhamaado.

Khabib Nurmagomedov ayaa xalay mar kale la guddoonsiiyey dagaalka iskugu jira feedhka, laagga, legdinta iyo xuurtooyinka ee loo yaqaano UFC gaar ahaan miisaanka UFC 254.

Khabib oo haysta rikoodh 29-0 ah oo aan waligii laga soo badinin, isla markaana dhamaan 29kii dagaal ee uu galay intii uu xirfaddan ku jiray soo wada guuleystay ayay u ahayd dagaalkii ugu horreeyey ee uu galay tan iyo markii uu sida xun u garaacay dagaalyahanka gaalka ah McGregor oo diinta Islaamka aflagaaddeeyey ka hor intii aanay kulmin, kaas oo labadooduba ay ku mutaysteen ganaax muddo lagaga joojiyey ciyaaraha iyo mid lacageed.

Garoonka loo diyaariyey dagaallada ee The Eagle ayaa xalay la iskugu xareeyey Justin Gaethje oo Maraykanka u dhashay oo ay dad badani rumaysnaayeen inuu dhibaato u geysan doono Khabib, laakiin feedhyahanka Muslimka ah ayaa mar kale sii watay guushiisa oo dagaalyahankan kale ku qasbay inuu is dhiibo.

Khabib Nurmagomedov ayay u ahayd habeen qiiro leh oo uu ilmada xajisan kari waayey, isla markaana garoonka dhexdiisa wajiga dhulka dhigay isagoo u ooyaya aabbihii oo ahaa tababarihiisa, saddex bilood ka horna u geeriyooday xanuunka Korona Fayras oo uu in muddo ah ugu jiray cusbitaal.

Victory for Khabib and the Champion is overcome with emotion.

A beautiful moment of respect as Justin Gaethje joins him in the centre of the mat.

One step closer to Father’s Plan ?#UFC254 pic.twitter.com/1Gd6xRNAaA

— UFC on BT Sport (@btsportufc) October 24, 2020

Khabib Nurmagomedov ayaa in muddo ah oo uu ooyayey kaddib, waxa uu soo hor istaagay telefishanka oo uu ka sheegay inuu gebi ahaanba ka fadhiistay ciyaaraha oo aan dib dambe loogu arki doonin garoomada.

Feedhyahanka Muslimka ah oo qiiraysan ayaa u sheegay dunida in ay ku adag tahay in ‘iyadoo aanu aabbihii garabkiisa joogin’ uu sii ciyaaro, isla markaana uu ‘hooyadii ka qaaday ballan ahayd in aanu mar dambe ciyaari doonin’.

Kooxda tababareyaasha u ahayd iyo gacan-yareyaashiisii saddexda ahaa ee garoonka joogay ayaa iyaguna oohin isku daray, waxaana ay xataa saamaysay Justin Gaethje oo isaguna isku dayay inuu murugada la qaybsado Khabib, waxaanu dhegta u saaray hadallo tacsi iyo samirsiis ah oo uu ugu sheegayay inuu is adkeeyo.

“Kani waa dagaalkaygii ugu dambeeyey. Ma jirayso si aan u imaaddo halkan aabbahay la’aantii.” Ayuu yidhi Khabib oo ooyaya, waxaanu intaa ku daray: “Markii UFC ay isoo waceen ee ay igala hadleen Justin, waxa aan la hadlayey hooyaday muddo saddex maalmood ah. May doonayn inaan tago dagaal aabahay la’aantii, laakiin waxaan u ballan-qaaday hooyaday in uu kani noqon doono dagaalkii iigu dambeeyey, haddii aan ballan-qaadayna waa inaan oofiyo.”

“It’s going to be my last fight.”

With a promise to his father, ? @TeamKhabib retires as one of the greatest to EVER do it. #UFC254 pic.twitter.com/6brsEPp5E5

— UFC Europe (@UFCEurope) October 24, 2020

Intaa kaddib ayay madashii oo dhani isla qiirootay, waxaana mar labaad kusoo noqday Justin oo xabbadka geliyey, ayna si laab-xaadhasho ah isku sii macasalaameeyeen, ka hor intii aanay saddexdiisa tababareyaasha iyo kaaliyeyaasha ah ee garoonka la joogay garbaha isku qabsan xayndaabka dagaalka dhexdiisa.

Khabib ayaa markii suunka dhexda loogu xidhay waxa uu u fadhiistay ‘SUJUUD’ uu Allah ugaga mahad celinayo guusha uu gaadhsiiyey, waxaana hadal haynta ugu badan ee dunida ka taagnayd xalay illaa maanta ay tahay guusha iyo go’aanka Khabib Nurmagomedov oo xataa qariyey ciyaarihii waaweynaa ee kubadda cagta ee shalay dhacay.

Si kastaba, Khabib Nurmagomedov wuu ka fadhiistay ciyaaraha, waxaana uu ku adkaystay in uu go’aankiisa ku taagnaan doono.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More