Hogaamiye Deni oo Baarlamaanka Puntland u gudbinaya
Hogaamiye Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta hortagaya Baarlamaanka DG Puntland si uu u daah-furaya kalfadhigooda 47-aad, isla markaana uu ula wadaago waxqabadka xukuumaddiisa 87-da Cishe ah.
Deni ayaa khudbadiisa furitaanka ka sokoow waxa uu uga hadlayaa waxyaabaha u hirgelay muddadii uu joogay Magaalada Muqdisho, doodaha la xiriira doorashada, kulamada hogaamiyayaasha kala duwan & safarro uu aaday iyo kuwa uu qorsheynayo maalmaha soo socda.
Waxqabadka Xukuumadda Hogaamiye Siciid Cabdullaahi Deni ee 30-ka July 2020 ilaa 25-ka Oktoobar 2020 waa waxyaabaha ugu badan ee uu diiradda ku saarayo hada jeedintiisa ku lifaaqan gudashada qodob dastuuri ah ee ah furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka.
Madaxtooyada DG Puntland ayaa xaqiijisay in madaxweyne Siciid Deni uu kusii jeedo aqalka Baarlamaanka, Golaha Wakiilada dhankooda waxaa lagu wargeliyay isu diyaarinta furmashada fadhigooda 47-aad iyo khudbadda Hogaamiyaha.
Ilo xog ogaal ah ayaa sidoo kale Axadle u xaqiijiyay in Hogaamiyaha DG Puntland uu safar ku tagayo Magaalada Addis Ababa Xarunta Dalka Itoobiya, isaga oo la kulmaya Madax kala duwan oo aan la shaacin waxyaabaha ay kawada hadlayaan.
Axadle.