Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska Oo Lagu Eedeeyey Inuu Qayb Ka Ahaa

Ra’iisal wasaaraha waddanka Ingiriiska ee Boris Johnson ayaa  lagu eedeeyey inuu qayb ka ahaa cunsuriyaddii loo geystay xiddigaha xulka England ee lumiyey rikoodheyaasha ciyaartiii finalka Euro ee Bukayo Saka, Marcus Rashford iyo Jadon Sancho.

Goolhayaha xulka Talyaaniga ee Gianluigi Donnarumma ayaa kubadda ka qabtay Bukayo Saka iyo Jadon Sancho, halka uu Rashford birta ku dhuftay sidaana ku khasaariyey laadkiisa, iyadoo Talyaanigu 3-2 rikoodheyaal ah ku badiyey.

Saddexdan ciyaartoy ayaa dhibbaneyaal u noqday cunsuriyad iyo qoraallo aflagaaddooyin ah oo ku bilaabmay markii ay soo dhamaatay ciyaartii xalay, kuwaas oo qaarkood loo sheegay in ay ku noqdaan dalalkoodii ay asal ahaan ka yimaaddeen.

Bukayo Saka ayay dhibaatada iyo cayda ugu badan gaadhay, iyadoo uu waliba yahay ciyaartoyga labaad ee xulka England ugu da’da yar oo 19 jir ah, kana weyn oo kaliya Jude Bellingham oo 17 jir ah.

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska oo war kasoo saaray arrintan ayaa sheegay inay tahay wax aan la aqbali karin oo ay ganaaxyo ku ridi doonaan taageereyaashii ficilladan sameeyey, laakiin Ra’iisal Wasaare Boris Johnson ayaa isaguna si adag uga hor yimid arrintan, waxaanu qoraal yidhi: “Kooxdan Ingiriisku waxay u qalmaan in sacabka loogu tumo sida halyeeyada, ma aha in lagu cunsuriyeeyo baraha bulshada.

“Kuwa ka masuulka ah cunsuriyaddan/caydan, ha isku xidhoodhaan.”

Kaddib qoraalka Boris Johnson, halyeygii hore ee England ee Gary Neville ayaa weerar ku qaaday Ra’iisal wasaaraha Ingiriisku.

Neville ayaa sheegay in Ra’iisal wasaaruhu uu hore u sheegay inay sax tahay in lagu ooriyo ciyaartoyda jilibka dhulka dhiga iyagoo dalbanaya sinnaan, caddaalad iyo joojinta takoorka iyo cunsuriyadda, haddana uu ku hadlayo wax kale.

“Ra’iisal wasaaruhu wuxuu sheegay inay caadi tahay, in dadka dalku ay ku ooriyaan ciyaartoyda isku dayaya inay raadiyaan sinnaanta, lana dagaallamaan cunsuriyadda. Haddana waxa uu dhalleecaynayaa cunsuriyadda lagula kacay ciyaartoyda.” Ayuu yidhi Neville.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More