England Iyagoo Heysta Hal Koob Oo Daxalaystay Ayay Ismoodaan Xulka Ugu

Laacibkii hore ee Talyaaniga Alessandro Altobelli ayaa sheegay inuu ku riyaaqay guushii Wembley ee ay ka gaareen England, madaama ay aaminsan yihiin inay yihiin xulka ugu fiican dunida inkastoo armaajadooda uu ku jiro hal koob oo daxalaystay.

65 jirkaan oo weerarka uga soo ciyaaray Italy islamarkaana u soo saftay 61 kulan ayaa aad u faraxsanaa ka dib guushii rigoorada ay xalay Azzurri ka gaareen xulka England.

“Waxay aheyd guul farxad leh oo aan ka gaarnay England” ayuu Altobelli u sheegay RAI Sport.

“England waa dal aaminsan inay yihiin kuwa ugu fiican, kuwa ugu weyn, kuwa heysta tayada ugu badan uguna quruxda badan.

“Sidaasi oo ay tahayna hadddii eegto armaajadooda koobabka waxaa ku jira hal koob oo daxalaystay oo ay qaadeen 1966kii. Soo eeg armaajadeena waxaa ka buuxa koobab.”

Talyaaniga ayaa ku guuleystay koobka Qaramada Yurub markii ugu horeysay tan iyo sannadkii 1968kii, halka England ay mar kale ku fashilantay inay qaado koobka Qaramada Yurub iyadoo koobka kaliya ee caalami ah ee ay qaadeen ay tahay Koobka Adduunka sannadkii 1966.

Waqtigii caadiga ahaa ee ciyaartii xalay ee Wembley ayaa ku soo dhamaaday barbaro 1-1 ah taasoo keentay in la isla aado rigoore, waxaana 3-2 ku badisay Italy iyadoo Bukayo Saka uu rigooradii ugu danbeysay qasaariyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More