“Neymar Wuu Ogyahay In Aan Waalli Ku Ridayo CAAWA, Waa In Lagu

Finalka Copa America ayay caawa ku kulmayaan waddamada Brazil iyo Argentina, waxaana iska hor imanaya ciyaartooyo isku kooxo u ciyaara oo meel iska dhigi doona saaxiibtinimadooda isla markaana halgan isla geli doona iyadoo uu mid walba u dagaallamayo sidii uu waddankiisa guul u gaadhsiin lahaa.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Argentina ee Leandro Paredes ayaa digniin u diray Neymar oo ay PSG u wada ciyaaraan, waxaanu u sheegay, inuu iska illoobi saaxiibtinimadooda oo uu ku talo-galo in loollan adag.

Leandro Paredes waxa kale oo uu sheegay in uu waalli ku ridi doono Neymar oo aanu wax naxariis ah u geli doonin, isagoo faahfaahina ka bixiyey waxa uu samayn doono si uu u joojiyo laacibkan Brazil.

“Neymar wuxuu jecel yahay in ciyaartoyda kale kaadh la siiyo, wuxuu jecel yahay in la taabto, laakiin wax badan ayaa lagu dhuftaa,” Ayuu yidhi Leandro Paredes oo intaa ku daray: “In si gaar ah loo calaamadsado way adkaanaysaa. Waligaa ma garan karaysid halka uu marayo. Waxa sidaasi kugu dhacaysaa marka aad raacayso isaga iyo Leo Messi.

“Xataa haddii aad in badan garanayso, waxay leeyihiin wax ka duwan. Waxay u dheereeyaan fikir ahaan iyo jidh ahaanba.”

Inkasta oo uu Leandro Paredes qiray inay adag tahay in si gaar ah loo calaamadsado Neymar, haddana wuxuu qiray in aan laga maarmayn taas, waxaanu yidhi: “Waa in si dhow loo raaco Neymar, waxna lagu dhufto intii suurtogal ah. Wuu ogyahay in aan anigu waalli ku ridi doono, waanu ii sheegay, waxa kale oo uu ii sheegay in aanu ciyaarta oo dhan dagaallami doono haddii ay dhacdo.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More