WARBIXIN: 100kii Ciyaartoy Ee Ugu Qaalisanaa Suuqa Iibka Iyo Halka Uu
Xilli ay kooxihii dhaqaalaha badnaa ee adduunyadu ka cabanayaan lacag la’aan, haddana waxa jira naadiyo kale oo samaynaya saxeexyo waaweyn. Manchester United ayaa noqotay kooxda lacagtii ugu badnayd suuqa gelisay xagaagan, waxaanay lasoo wareegtay laacibka reer England ee Jadon Sancho. PSG ayaa ku xiga oo noqotay kooxda labaad ee lacagta ugu badan kharash garaysay, waxaanay lasoo saxeexatay xiddiga reer Morocco ee Achraf Hakimi.
Labadan saxeex ayaa ah kuwa ugu qaalisan ee illaa hadda la kala iibsaday xagaagan, laakiin haddana uma dhowa inay gaadhaan ciyaartoydii ugu qaalisanaa ee la kala iibsaday.
Erling Haaland, Harry Kane iyo Kylian Mbappe ayaa la filayaa in ay beddelaan suuqa iibka xagaagan, inkasta oo aan la hubin in ay ka tegi doonaan kooxahooda. Haaland oo lagu qiimeeyey €150 milyan oo Gini ayaa waxa doonaysa Chelsea, Harry Kane oo €160 milyan kor u dhaafaya ayaa lala xidhiidhinayaa Manchester City, halka Kylian Mbappe oo horeba u ahaa ciyaartoygii labaad ee ugu qaalisanaa dunida ay ka dhur-sugayso Real Madrid.
Warbixintan waxa aanu idiinku soo gudbinaynaa ciyaaryahannadii ugu qaalisanaa suuqa iibka ciyaartoyda ee abid la kala iibsaday, waxaananu si gaar ah ugu soo bandhigaynaa 100kii ugu sii qaalisanaa, halkaas oo aynu ka qaadanayno halbeegga iyo booska ay geli karaan saxeexyada waaweyn ee la filayo in ay kooxuhu sameeyaan xagaagan.
Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa ah ciyaartoyga ugu qaalisan kubadda cagta ee abid la kala iibsaday, waxaana sannadkii 2017kii €222 milyan oo Euro ku qaadatay PSG xilli Barcelona ay heshay lacagtii ugu badnayd abid ee ay hal ciyaartoy ku iibiso. Waxa kaalinta labaad ku jira Kylian Mbappe oo PSG ay €145 milyan oo Euro oo qaddin ahaa iyo €35 milyan oo kale oo bandhiggiisa ku xidhnaa ay kaga soo iibsaday Monaco. Isu-geynta lacagta ay PSG ka bixinay Mbappe ayaa ah €180 milyan oo Euro, sidaas ayaanu ku yahay ciyaartoygii labaad ee ugu qaalisanaa abid.
Joao Felix ayay Atletico Madrid kasoo bixisay €126 milyan oo Euro sannadkii 2019kii iyadoo kala soo wareegtay Benfica, waana saxeexa saddexaad ee ugu qaalisan abid.
Philippe Coutinho ayaa soo galay kaalinta afraad, waxaana soo iibsatay Barcelona oo ka bixisay €120 milyan oo Euro oo naqad ah iyo €40 milyan oo kale oo ku xidhnaa bandhiggiisa, kulamada uu safto iyo guulaha uu la gaadho kooxda, laakiin qaybtan dambe ayaanay Liverpool wada helin.
Halkan kaga bogo 10kii saxeex ee ugu qaalisanaa abid: