Haddii Aad Is-leedahay Waxaad Ka Fiicnaan Kartaa Ronaldo Iyo Messi,

Weeraryahanka reer France ee Klian Mbappe ayaa rajaynaya in koobkii Adduunka ee uu ku guuleystay 2018 uu ku darsado Euro 2020 oo uu xulka qarankiisa ku hoggaamiyo, laakiin waxa uu ogsoon yahay in jid-dheer ay u marayaan hanashada koobkan.

Paris Saint-Germain ayuu xiddigeedani rumaysan yahay, in loo baahan yahay in yool la yeesho oo diiradda lagu jeediyo hal meel, taas oo uu tibaaxay in ay ka caawin karto in ay ku guuleystaan.

22 jirkan oo waraysi siinayey Esquire, ayaa yidhi: “Kubadda heerkeedu sarreeyo, qofna meel kuuma bannaynayo amaba kuuma sheegayo waxa aad samayn karto. Adiga ayay kuu taallaa in aad naftaada ka dhaadhiciso waxa aad samayn karayso.

“Fal-celinta, is-jeclaanta ma aha in aad xiddigo la loollamayso, laakiin waa in aad dhaafayso isla-naftaada, si aad maalin walba sida ugu wanaagsan ugu shaqayso. Mar kasta oo aan garoonka gelayo, waxa aan nadftayda u sheegaa, ‘aniga ayaa u wanaagsan.’”

Kylian Mbappe ayaa la weydiiyey sida uu isagu shaqsi ahaan isku arko qaab-ciyaareedkiisa, waxaanu ku jawaabay: “Weeraryahanka casriga ahi meel walba wuu ka ciyaari karaa. Waxa aan kasoo icyaaray No.9, No.11 iyo No.7 intaba.

“Waxay ila tahay in CV-gaygu uu aniga iga hadli karayo. Waxa aan ku ciyaaray weeraryahan akli ah, waxa aan ka ciyaaray dhinacyada bidix iyo midig. Waxa aan awood u yeeshay in aan ka shaqeeyo meelaha aan ku liito, laakiin aan xoogga saaro meelaha aan ku wanaagsanahay sababtoo ah waxa aan mar kasta naftayda u sheegaa in meelaha aad ku xooggan tahay aad kusii jiri doonto.”

Xidhiidhka uu la leeyahay Neymar ayaa sidoo kale wax laga weydiiyey, waxaanu ku jawaabay: “Brazil way ka ciido badan yihiin (halkan), Faransiiskuna way ka halis badan yihiin. Markii uu yimid halkan waxa sawirkiisa lagu dhejiyay Eiffel Tower, lix bilood kaddibna waxay taageereyaashu waxay isweydiiyeen sababta uu khamaarka u ciyaarayo.

“Faransiiska gudihiisa, dadku way ogyihiin waxa aad haysato laakiin ma doonayaan in ay arkaan. Kaliya waxay doonayaan in ay arkaan adiga oo ciyaaraya kubadda cagta oo qoslaya.”

Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa la weydiiyey haddii uu ka wanaagsanaan karayo, waxaanu Mbappe ku jawaabay: “Aniga oo kaliya ma aha cidda og in Messi iyo Cristiano ay wanaagsan yihiin. Qof walba wuu ogyahay. Haddii aad naftaada u sheegto in aad ka fiicnaan karayso iyaga, war la’aan ayaa ku haysa. Ciyaartoydaas cidna lama barbar-dhigi karayo. Waxay jabiyeen dhamaan shuruucdii xog-kaydinta, waxayna soo qaateen 15 sannadood oo cajiib ah.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More