Muxuu Sameeyay Arsene Wenger Markii Robin van Persie Uu

Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday inuu diiday markii Robin van Persie uu codsaday inuu ku soo laabto Arsenal oo uu ka soo tago Manchester United.

Xiddigii hore ee Netherlands ayaa u dhaliyay 100 gool Gunners mudadii sideeda sanno aheyd ee uu joogay Waqooyiga London laakiin waxa uu u wareegay Old Trafford xagaagii 2012.

Talaabadaas waxay ka careysiisay taageerayaasha Arsenal iyadoo Van Persie uu xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ku hogaamiyay Man United koobka Premier League laakiin qaab ciyaareedkiisa ayaa hoos u dhacay markii uu Sir Alex Ferguson ka fariistay shaqada tababare ee Red Devils.

Buuga cusub ee uu qoray Arsenal ee uu uga waramay noloshiisa Arsenal ayuu shaaca kaga qaaday in Van Persie uu ka codsaday intii uu Man United joogay inuu ku laabto Arsenal.

“Sannadkii 2012 wuxuu shaaciyay inuusan kordhin doonin qandaraaskii uu nagula joogay. Dhamaan kooxaha waa weyn ayaa doonayay. Waxaan ka iibinay Manchester United.

“Taageerayaasha waa ay iiga caroodeen arintaan laakiin ma aanan bixin karin mushaharkii ay u soo bandhigeen. Waxaan ku guuleystay inay ku iibiyo 24 milyan ginni, waxayna aheyd lacag aad u badan waqtigaas weliba ciyaaryahan qandaraaskiisa uu hal sanno ka harsan yahay. Kaliya danaha kooxda ayaan maanka ku hayay.

“Xiriirkii igala dhaxeeyay Alex Ferguson iyo Manchester United wuu soo hagaagay markaas.

“Van Persie lix bilood oo fantastik ah ayaa ku soo martay Old Trafford, wuxuu kooxda ku hogaamiyay Premier League, taasoo anaga nagu sii adkeysay xaalada.

“Laakiin markii uu dhameystay seddex ka mid ah afartii sanno ee uu u saxiixay, waa uu dhaawacmay, waxayna ka iibiyeen kooxda Turkiga ee Fenerbahce.

“Wuu i soo wacay sababtoo ah wuxuu doonayay inuu soo laabto, laakiin macquul ma aysan aheyn, wuxuu ku jiray gabagabada waayihiisa ciyaareed, anagana waan maalgashi ku sameyneynay ciyaartoyda da’ yar”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More