KOOXDA SANNADKA: Shaxda Kooxdii Ugu Fiicnayd Horyaalka Spain Ee LaLiga

Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa ka helay ciyaaryahannada ugu badan, shaxda kooxdii ugu fiicnayd horyaalka waddanka Spain ee LaLiga, sida lagu sheegay xogta ciyaaryahannadii ugu bandhigga fiicnaa.

Shabakadda qiimaynta ciyaartoyda ee CIES Football Observatory ayaa soo xushay shaxda kooxdii ugu wanaagsanayd horyaalka Spain ee LaLiga, taas oo ay u cuskatay xor ururin ay kasoo qaadatay shabakadda OptaPro.

Labada kooxood ee Atletico Madrid iyo Barcelona ayaa min saddex ciyaartoy ku yeeshay kooxda ugu wanaagsan sannadka ee horyaalka waddanka Spain, laakiin Real Madrid ayay kasoo galeen labada  xiddig ee Luka Modric iyo Karim Benzema.

Kooxda ku guuleysatay horyaalka Spain ee LaLiga ee Atletico Madrid ayaa kooxda sannadka ugu wanaagsan waxa kasoo galay Jan Oblak oo loo doortay goolyihii ugu wanaagsanaa, Koke iyo Luis Suarez, halka Barcelona ay ku yeelatay Clement Lenglet, Frenkie de Jong iyo Lionel Messi.

Sevilla ayaa iyaduna ka heshay labada ciyaartoy ee Jesus Navas oo difaac midig illaa garab weerar oo cajiiba ahaa xilli ciyaareedkan iyo difaaca dhexe ee reer France ee Jules Kounde.

Toban ciyaartoy ayaa ka yimid afartan kooxood, waxaana shaxda dhamaystirayy Javi Galan oo difaaca uga ciyaara Huesca.

Kooxda sannadka ee horyaalka LaLiga

Goolhaye: Jan Oblak (Atletico Madrid)

Difaaca: Jesus Navas (Sevilla), Jules Kounde (Sevilla), Clement Lenglet (Barcelona), Javi Galan (Huesca)

Khadka dhexe: Frenkie De Jong (Barcelona), Koke (Atletico Madrid), Luka Modric (Real Madrid)

Weerarka: Lionel Messi (Barcelona), Karim Benzema (Real Madrid), Luis Suarez (Atletico Madrid)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More