XASAASI: FA-ga Oo Ka Hadlay Haddiiba Ay Dhibco Ka Jarayaan Chelsea Oo
Xidhiidhka kubadda cagta England ee FA-ga ayaa lagu soo warramayaa inay dafireen wararka sheegaya inay kooxda ree London ee Chelsea ka jarayaan dhibco oo ay ku sababi doonaan inay ka hadho Champions League xilli ciyaareedka dambe.
FA-ga ayaa dacwad ku oogay Chelsea kaddib markii ay ku fashilantay inay xakamayso xiddigaha kooxdeeda oo la dagaalamay dhigooda Leicester City kulankii labada kooxood dhex maray iyadoo Foxes qudhooda lagu dacweeyay doorkoodii.
Xiddigaha Foxes iyo Blues iyo waliba shaqaalaha labada kooxood ayaa isku dhacay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta kaddib markii uu Ricardo Pereira taako xun ku qabtay Ben Chilwell, Chelsea iyo Leicester ayaa loo qabtay ilaa Salaasada si ay dambigaas lagu oogay iskaga difaacaan.
Sida uu sheegayo wargeyska Mirror, Chelsea ayaa sanadkii 2016 looga digay in dhibco laga goyn karo haddii ay markale sidaas oo kale xiddigaheedu yeelaan kaddib markii ay racfaan ka qaadatay ganaax 375,000 pound ah oo loogu ganaaxay sababta isku dhac kaas lamid ah oo ay xiddigaha Tottenham la galeen.
Warbixinta ayaa sheegtay inay Blues caado ka dhigteen inay garoonka ku dhex dagaalamaan oo ay tahay markii toddobaad ee ay sidaas sameeyaan toddoba sano gudaheed.
Si kastaba ha ahaatee, xubin aan la magacaabin oo ka tirsan FA-ga England lana hadlay wargeyska Sportsmail ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya inay dhibco ka jarayaan Chelsea.
Kooxda tababare Thomas Tuchel ayaa fiidka caawa la balansan Aston Villa iyaga oo guul ay gaadhaan kaga qayb gali doona Champions League xilli ciyaareedka dambe balse inay hakad galaan ayaa dib u dhac ku keeni karta maadaama oo ay hal dhibic ka dambeeyaan kooxaha 4-aad iyo 5-aad ee Liverpool iyo Leicester City.