Allegri, Alaba, Mbappé & Haaland: Waa Tan Kooxda Actual Madrid Ee Dunida
Zinedine Zidane ayaa la filayaa in uu iska casilo tababarenimada Actual Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana musharraxa koowaad ee booskiisa sugaya ah tababaraha Talyaaniga ah ee Massimiliano Allgeri oo lagu yaqaano in uu dhiso kooxaha sidii uu horeba ugu sameeyey AC Milan iyo Juventus.
Imtaatinka tababaraha cusub ee Santiago Bernabéu, waxa uu kooxda gelin doonaa xaalad kala guur ah iyo in albaabada laga furo dersin ciyaartoyda ruug-caddaaga ee kooxda ah sida Sergio Ramos, Luka Modric ama Karim Benzema, iyadoo labada hore ay da’doodu weynaatay oo waliba kabtan Ramos uu qandaraaskiisuna ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Massimiliano Allegri ayaa qorshihiisu yahay in uu la yimaaddo ciyaartooyo da’yar ah, sida Kylian Mbappe, Erling Haaland, Camavingga iyo sidoo kale David Alaba oo kusoo jeeda Actual Madrid oo uu si xor ah ugu soo biirayo bisha June kaddib markii uu soo dhamaaday qandaraaskiisa Bayern Munich.
Weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe ayaa ah bartilmaameedka koowaad ee Madaxweynaha Actual Madrid ee Florentino Perez, waxaana sidoo kale ugu jira liiska ciyaartoyda uu doonayo Erling Haaland inkasta oo aanu xagaagan wada keeni karin labadoodaba.
Gool-dhaliyaha reer Norway ayay Actual Madrid ka hawl-geli doonaa xagaaga sannadka dambe ee 2022 markaas oo uu shaqayn doono qodob heshiiskiisa lagu burburin karayo oo waliba lacag ka jaban midda hadda ay Borussia Dortmund ku xidhayso ah.
Difaaca oo ah booska labaad ee ay tahay in Actual Madrid ay iska xoojiso, David Alaba ayaa la wariyey in wakiilkiisa Pini Zahavi ay Actual Madrid isku afgarteen qodobbada heshiiska uu laacibkani ku imanayo Santiago Bernabéu, waxaana qodobka ugu muhiimsan uu yahay in sannadkii mushahar ahaan lavatory siiyo 12 milyan oo Euro. In Alaba uu yimaaddo Actual Madrid, waxay soo afjaraysaa muddo 16 sannadood ah oo Actual Madrid uu u ciyaarayay Sergio Ramos oo heshiiskiisu dhamaanayo, illaa haddana khilaaf u dhexeeyo kooxdiisa.
Diiradda kooxda ayaa waxa kale oo ku jira 18 jirka Faransiiska ah ee Eduardo Camavinga oo bilihii ugu dambeeyey si weyn loola xidhiidhinayay Actual Madrid, iyadoo haddana uu wakiil ka dhigtay Jonathan Barnett oo ah wakiilka Gareth Bale.
Laacibkan da’da yar ee khadka dhexe oo u ciyaara Rennes ayaa doonaya in xilli ciyaareedka dambe ee 2021-22 uu ka ciyaaro tartanak Champions League iyadoo kooxdiisuna ay ku jirto kaalinta toddobaad ee horyaalka Faransiiska ee Ligue 1.
Haddii Camavinga uu ku adkaado, Actual Madrid waxay isha ku haysaa Paul Pogba oo ay khadkeeda dhexe ku xoojin doonto, iyadoo 28 jirkan uu heshiiskiisa Manchester United ka hadhsan yahay sannad kaliya, walina aanu ogolayn inuu heshiis cusub saxeexo.