20-ka Xiddig Ee Ugu Mushaharka Badan Premier League, Tirada
Waxa jira dhawr saxeex oo cajiib ah oo ay kooxaha Premier League sameeyeen maalmihii ugu dambeeyay ee suuqii dhawaan xidhmay, Tottenham ayaa dunida ka yaabsatay kaddib markii ay dhammaystirtay saxeexa Gareth Bale oo ay dib amaah ugaga soo qaadatay Real Madrid.
Tottenham ayaa £220,000 kamida mushaharka Bale bixinaysa halka ay inta kale oo dhan dabarayso kooxda uu amaahda kaga soo maqan yahay ee Real Madrid.
Waxa jira laba saxeex oo kale oo waaweyn oo la sameeyay maalintii ugu dambaysay suuqa waxaana kamid ah Edinson Cavani oo heshiis hal sano ah u saxeexay Man United oo uu bilaash ugu soo biiray isla markaasna £210,000 toddobaadkii ka qaadanaya kooxdaas.
Saxeexa kale ayaa ah Thomas Partey oo Arsenal kusoo biiray, sida uu sheegayo wargeyska The Mirror mushaharka bur-buriyaha ree Ghana ayaa ah mid ka badan sidii la filayay waxaana uu usbuucii ka qaadanayaa Gunners £260,000.
Haddaba. su’aasha ayaa ah sidee ayay iskugu dhigmaan lacagaha ay xiddigaha Premier League ku cusub iyo kuwii hore u joogay mushahar ahaan kooxahooda uga qaadanayaan waase kuwee 20-ka ciyaaryahan ee ugu sarreeyaa?
Anaga oo adeegsanayna xog laga helay il-wareedka spotrac, waxaanu halkan idinkula wadaagaynaa liiska 20-ka ciyaaryahan ee ugu mushaharka badan horyaalka England, lacaga ay ku shaqeeyaan iyo sida ay u kala sarreeyaan.
Liiska Oo Dhammaystiran
20. Timo Werner | Chelsea | £179,000-per-week19. Roberto Firmino | Liverpool | £180,000-per-week18. Alexandre Lacazette | Arsenal | £182,051-per-week17. Ben Chilwell | Chelsea | £190,000-per-week16. Willian | Arsenal | £192,308-per-week=12. Tanguy Ndombele | Tottenham | £200,000-per-week=12. Harry Kane | Tottenham | £200,000-per-week=12. Marcus Rashford | Man United | £200,000-per-week=12. Mohamed Salah | Liverpool | £200,000-per-week11. Edinson Cavani | Man United | £210,000-per-week10. Gareth Bale | Tottenham | £220,000-per-week9. Sergio Aguero | Man City | £230,135-per-week8. Anthony Martial | Man United | £250,000-per-week7. Pierre Emerick-Aubameyang | Arsenal | £250,000-per-week6. Thomas Partey | Arsenal | £260,000-per-week5. Mesut Ozil | Arsenal | £268,750-per-week4. Paul Pogba | Man United | £290,000-per-week3. Raheem Sterling | Man City | £300,000-per-week2. Kevin De Bruyne | Man City | £320,833-per-week1. David de Gea | Man United | £375,000-per-week