Manchester United Oo LIX Dhibcood Laga Jarayo Kaddib Shaxdii Liidatay

Manchester United ayaa waajahaysa ciqaab kaga imanaysa horyaalka Premier League, kaddib markii ay shax liidata kula ciyaartay Leicester Metropolis Salaasadii, taas oo keentay in guul sahlan ay gacanta u geliyaan Leicester Metropolis si ay u dhimato rajada kooxaha Liverpool, Tottenham iyo West Ham oo u tartamaya in ay afarta  sare ka mid noqdaan.

Laacibkii hore ee Manchester Metropolis garabka uga ciyaari jiray ee Trevor Sinclair ayaa soo jeediyey in Manchester United lagu ciqaabo go’aanka ay guusha ugu fududaysay Leicester Metropolis xilli kooxo kale ay saamayn taasi.

Leicester Metropolis ayaa ku badisay 2-1, waxaanay guushaasi keentay kaalinta saddexaad ee horyaalka iyagoo hadda u muuqda in ay badqab yihiin oo ay Champions League ciyaari doonaan xilli ciyaareedka dambe.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo saddex ciyaarood ay kooxdiisu dheelayso shan maalmood gudahood ayaa ku dooday in aanay suurtogal ahayn in ciyaartoydiisu ay taam u noqon karaan kulamada cidhiidhiga ah, duruuftuna ku kallifayso in uu sameeyo isbeddel.

Laakiin tirada ciyaartoyda uu beddelay ayaa noqotay 10, taas oo keentay su’aal iyo in kooxaha kale u arkaan mid loogu kala eexanayo.

Amad Diallo ayaa kulankiisii ugu horreeyey ugu soo bilowday United, halka weeraryahanka reer Sweden ee  Anthony Elanga uu isaguna ciyaartiisii ugu horreysay u saftayy kooxda waaweyn, isla markaana uu helay fursad uu ugu soo bilowdo.

Brandon Williams iyo Axel Tuanzebe oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta Manchester United ayaa iyaguna kusoo bilowday kulankan, waxaana wehelinayay ciyaartoyda khubarada ah ee aan muddooyinkan dambe garoomada kasoo muuqanin ee Nemanja Matic, Juan Mata, Alex Telles, Eric Bailly, Donny van de Beek iyo David De Gea.

Si kastaba, Trevor Sinclair ayaa usoo jeediyey Premier League in Manchester United laga qaado tallaabo, lix dhibcoodna laga jaro.

“Aniga oo aan ixtiraam darro u muujinayn ciyaartoydii dheeshay, waxay sameeyeen toban isbeddel, tani waa kooxdooda ‘B’. Waa ixtiraam darro iyo tartanka afarta sare oo la kala saarayo.” Ayuu yidhi Trevor Sinclair.

Waxa uu intaa raaciyey: “Kooxaha ku dhibaatoonaya ixtiraam darrada Manchester United ee ka bixi karaya afarta sare waxa ka mid ah Chelsea, Liverpool, West Ham iyo Tottenham.

“Waxay ila tahay, in Manchester United ay u baahan yihiin in la ciqaabo. Saddex dhibcood kuma filna sababtoo ah wax saamayn ah kuma yeelanayaan.Waa in laga jaro lix dhibcood.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More