Trump oo la sheegay in uusan Dadka u gudbin karin Covid-19!

Hogaamiyaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay in uusan awood u lahayn u gudbinta dadka xannuunka ku dhacay ee Covid-19, kadib muran ka dhashay marada afka iyo sanka lagu daboosho (Face Mask) uu iska furay.

Dr Sean Colney oo ah dhaqtarka gaarka ah ee Aqalka Cad Mareykanka looga arrimiyo ayaa ku sheegay Warbixin uu soosaaray in Trump uusan gudbin Karin xannuunka dilaaga ah ee Coronavirus.

Waxa uu tilmaamay in dawooyin la siiyay, kadib markii isbitaal la dhigay todobaadkii hore, maadaama xaaladda caafimaad darro laga soo diiwaangeliyay, inkasta oo markii dambe kasoo baxay isbitaalka Militari ee lagu daweeyay.

Khudbad ayuu u jeediyay taageerayaashii, balse dhaqtarku si rasmi ah uma sheegin in jirka Madaxweyne Donald Trump uu ka baxay fayruska Coronavirus, waana tan keentay in eedeyn kale uu kala kulmo Xisbiga kasoo horjeeda.

Trump ayaa loo arkaa in uu u qiil-raadsanayo tartanka Hogaamiyaha Mareykanka, isaga oo aan soo kabasho fiican ka sameyn Covid-19, waxaana soo dhawaaday waqtiga loo dareerayo aftida.

Donald Trump xitaa ma uusan dhameysan muddada loo jaangooyay cudurkaan ee 14-ka cishe ah, waqtigaas qofka waxa uu galayaa karaantiil oo looma ogolaanayo in uu u dhawaado bulshada kale ee caafimaadkoodu wanaagsan yahay.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More