Goorma Ayay Inter Milan Ku Guuleysanaysaa Horyaalka Talyaaniga Ee

Kooxda kubadda cagta Inter Milan ayaa kusii dhowaatay hanashada horyaalka Talyaaniga ee Serie A kaddib guul cidhiidhi ahayd oo ay maanta ka gaadhay Hellas Verona, iyadoo sidoo kalena barbarro lagu qabtay Juventus oo usoo dagaallamaysay in ay dib u dhigto waqtiga ay Inter horyaalnimada xaqiijisanayso.

Goolka madiga ah ee ay Inter ku garaacday Hellas Verona waxa u dhaliyey difaacii hore ee Manchester United ee Matteo Darmian oo shabaqa  ku leexiyey kubbad uu usoo dhiibay Achraf Hakimi.

Guushan ayaa Inter Milan siisay 13 dhibcood oo ay ka horreyso kooxda kusoo xigta ee AC Milan oo kaalinta labaad ku jirta, berri oo Isniin ahna ciyaari doonta.

Horyaalka Talyaaniga oo ay ka hadhsan yihiin shan ciyaarood ayaa waxay Inter 13 dhibcood ku haysaa hoggaanka, waxaana haddaba usii daabacan boodhadhka iyo garamada ay ku samaynayaan dabbaal-degga maalinta ay xaqiijistaan hanashada horyaalka.

Juventus oo soo gaabin lahayd dhibcaha ay Inter hoggaanka ku hayso, kana dhigi lahayd 11 ayaa barbarro niyad-jab ah kala kulantay Fiorentina oo ay ku kala baxeen 1-1.

Dusan Vlahovic ayaa rikoodhe hoggaanka ugu dhiibay Fiorentina qaybtii hore, laakiin weeraryahanka reer Spain ee Alvaro Morata ayaa Juventus u dhaliyey goolka barbarraha.

Natiijada barbar-dhacan iyo labada dhibcood ee ay lumisay, ayaa Juventus uga dhigan in ay ku jirto kaalinta saddexaad, waxayse u degi kartaa kaalinta shanaad haddii ay soo badiyaan labada kooxood ee ku xiga ee Atalanta iyo Napoli oo aan wali ciyaarin kulamadooda toddobaadka.

Inter ayaa hoggaanka horyaalka Serie A ku haysa 79 dhibcood oo ay ka urursatay 33 ciyaarood oo ay dheeshay, waxaanay 13 dhibcood ka horreysaa AC Milan oo labaad ku jirta, haysatana 66 dhibcood, halka Juventus oo iyaduna 66 leh ay saddexaad fadhida.

Atalanta ayaa ku jirta afraad oo haysata 65 dhibcood, waxaana laba dhibcood kasii hoosaysa Napoli oo 33 dhibcood leh.

Inter Milan, si ay ugu guuleysato horyaalka waxay u baahan tahay in Isniinta habeen dambe laga badiyo AC Milan, iyaduna ay badiso kulanka Sabtida ay la ciyaari doonaan Crotone.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More