Madaxweyne Perez Oo Real Madrid U Sheegay Dheemanka Ay Tahay Inay Iska

Madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayaa sheegay in ay tahay inay iska ilaawaan saxeexyada xiddigaha kala ah Kylian Mbappe iyo Erling Braut Haaland kaddib markii uu bur-buray qorshihii ay ku doonayeen hirgelinta horyaal cusub oo European Super League la magac baxay.

Perez ayaa ahaa mid sanadihii ugu dambeeyay aad ugu hawlan inuu sameeyo tartan ka madax banaan UEFA oo ay ka qayb galayaan 12 kamida kooxaha hoggaanka u haya kubadda cagta qaarada Yurub kaas oo lagu taageerayay lacag ka badan 4 Bilyan oo pound.

Laakiin hawl galkaas ayaa u muuqda mid si dhammaystiran u fashilmay iyadoo kaliya kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ay yihiin labada kooxood ee ka hadhay darsinkii kooxaha ahaa ee hore heshiiska u saxeexay.

Florenino Perez oo Arbacadii xalay waraysi bixiyay ayaa sheegay in qorshahaasi wali yahay mid nool balse aysan jirin doonin koox awoodi doonta saxeexyada Kylian Mbappe oo PSG ka tirsan iyo Erling Haaland oo Borussia Dortmund qayb ka ah marba haddii uu bur-buray ESL oo ay lacag badan ka samayn lahaayeen.

Florentino oo u warramay El Larguero ayaa yidhi “Guud ahaan ma jiri doonaan heshiisyo waaweyni xagaagan, marka aysan lacagtu u kala qul-qulin min kooxaha qaniga ah ilaa kooxaha fuqarada, qofkasta wuu dhibtoodaa”

“Waa wax aan macquul ahayn in la sameeyo saxeexyada sida Mbappe iyo Haaland, guud ahaan, kaliya maaha Real Madrid, la’aanta Super League”

“Haddii aanaan Mbappe la saxeexan xagaagan uma malaynayo inuu jiro taageere madaxa iska toogan doonaa, iyagu way og yihiin inaanu shaqadayada ugu fiican qabanayno, haddii aysan dhicin (Saxeexyadaasi) waa sababtoo ah inaysan macquul ahayn”

 

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More