Hogaamiye-yaasha maamuladda iyo Beesha Caalamka
Sida ay Axadle u sheegeen ilo lagu kalsoonaa karo Xerada Afisyooni ee magaaladda Muqdisho waxa maanta ku kulmaya madaxweyne-yaasha 5 Dowlad-goboleed ee kala ah Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Juballand waxaana ka qayb galaya xubnaha beesha Caalamka.
- Advertisement -
Talaabadaan ayaa ka dambaysay shirar labadii habeen ee la soo dhaafay dhex maray Madaxweynayaasha Galmudug, Jubbaland iyo Puntland oo furre u noqday shir ay maanta isugu imaan doonaan Shanta Hogaamiye Dowlad Goboleed iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+, si looga heshiiyo ajandaha shirka guud ee la qorsheynayo in maalmaha soo socda uu dhex maro dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada.
Waxaa uu noqon doonaa markii labaad oo shir gooni ah ay yeeshaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, kaddib shirkii Dhuusamareeb 1 ee sanadkii hore.
Saddexdii maalin ee la soo dhaafay teendhada Afisyooni waxaa ku kulmayay madaxweynaha Mudo xileedkiisu dhamaaday, Raysul wasaaraha xukumadda xilgaarsiinta iyo hogaamiyayaasha maamuladda taabacsan oo uu wehliyo gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Finish.