Ciidamada oo Muqdisho ka sameeyay howlgal Amni Sugid

Sawir hore

Ciidamada ammaanka DFS ayaa xalay howlgalo qorsheysan ka sameeyay Degmooyinka Cabdicasiis, Kaaraan & Yaaqshiid si ay wax uga qabtaan isku dhacyo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay.

Qaar kamid ah dadka degmooyinkaas kunool ayaa Mustaqbalu sheegay in xalay fiidkii la dul dhigay Ciidamada howlgalka sameeyay oo joojiyay dhaq-dhaqaaqa Gaadiidka & Dadka xaafadaha qaar.

Ilo xog ogaal ah ayaa Axadle u sheegay in lagu wargeliyay laamaha ammaanka Dowladda Soomaaliya shaqsiyaad hub ku heysta degmooyinkaas oo qayb ka noqday isku dhacyo ka dhacay Caasimadda.

Isku dhacyo ka dhacay Degmooyinka qaar ee Gobolka Banaadir waxaaa ku dhintay dad ku dhaw 10-ruux, tiro kale ayaa ku dhaawacmay, hay’adaha ammaanka Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay wax ka qabanayaan falalkaan.

Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in aan la aqbali Karin shaqsiyaadka hubka ku dhex heysta Magaalada Muqdisho, kadib markii Isgoyska Fagax uu isku dhac ku dhexmaray Rag hubeysan & Ciidamada ammaanka.

Muqdisho oo ah xuddunta dhaq-dhaqaaqa Doorashada Soomaaliya waxaa waddooyinka la dhigay askar la socota isu socodka Gaadiidka & Dadka, mararka qaar ayay xiraan jidadka kooban ee furan.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More