Maxaa ka soo kordhay weerarkii saraakiisha lagu dilay ee ka

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan qaybta 21 aad oo saacadihii la soo dhaafay howlgalo ka waday deegaanada u dhexeeya Balanbal iyo Guriceel ayaa soo badbaadiyay labo sarkaal ka tirsan ciidanka Xoogga dalka ku waas oo lagu waayay weerarkii jidgalka ahaa.

Labada sarkaal ee la soo badbaadiyay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa;-

Labo xidigle Qalbi Indha-taag
Gaashaalne Cayroow Warsame Xassan

Ciidanka Howlagalka fuliyay ayaa sidoo kale gacanta ku soo dhigay mid ka mid ah dablaydii shalay weerarka ku qaaday saraakiisha ciidanka Xoogga dalka oo ku safrayay wadada xiriirisa degmooyinka Balanbal iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud sida uu xaqiijiyay madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid.

Cali Daahir Ciid oo xaqiijiyay in howlgalkaasi uu wali socdo ayaa yiri “Waxaana  Howlgaladaasi lagu qabtay mid ka mid ah Maleshiyaadkii falkaasi gaystay halka labo Sarkaal oo ka mid ahaa Saraakiishi shalay  la waysana lagu soo badbaadiyay”.

“Anigo ku hadlaya magaca Dowlad Goboleedka Galmudug waxaan marlabaad tacsi u diraya Ciidamada Xogga Soomaaliya iyo dhamaan Qoysaska ay ka baxeen iyo Qaraabada, waxaan Allah ka baryaa in uu Samir iyo iimaan naga Siiyo dhamaanteen” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Dhankale Degmada Balanbal ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud waxaa maanta oo khamiis ah lagu aasayaa Maydadka sakaashiishii shalay lagu dilay weerarkii gaadmo oo lagula eegtay wadada xiriirisa degmooyinka Guriceel iyo Balanbal ee gobolka Galgaduud.

Saraakiisha maanta lagu aasayo Balanbal ayaa magacyadooda lagu kala sheegay;-

Labo Xidigle Faarax Jaamac Colaad
Kabtan_Shariif Cirro Maxamed
Gaashaanle Gaangul Xalane
Kabtan Siciid Xasan Faleey
Gaashaanle Dhagaqool Yuusuf
Gaashaanle Cabdi Guuna Guune

Dowladda Faderaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan wasaaradda Gaashaandhiga iyo taliska Ciidanka Xoogga dalka wali kama aysan hadlin weerarkaan lagu dilay saraakiisha ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeeysa Guriceel iyo Balanbal waxaana saraakiishan ay shalay galinkii hore joogeen isla markaana howllo shaqo ka wadeen magaalada Guriceel iyadoo galinkii dambana gaarigii ay la socdeen lagu beegsaday deegaan lagu magacaabo Cagfaroge oo u dhaxeeya Balanbal iyo Guriceel.

Maxaa loo beegsaday saraakiishaan?

Inkastoo taliska ciidanka Xoogga dalka iyo maamulka Galmudug midkoodna uu san bixin sharaxaad ku aadan sababta keentay la beegsado saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka, hadana saraakiil ka tirsan qaybta 21 aad ayaa Axadle u sheegay in weerarkaan uu la xariiro anaano qabiil.

Mid ka mid ah saraakiisha ayaa Axadle u sheegay in saraakiishaani ay ka soo jeedeen hayb ahaan mid ka mid ah beelaha ku dagaalama inta u dhexaysa degmooyinka Guriceel iyo Balanbal oo colaadoodo soo jiitantay in ka badan 30 sano aysana jirin cid ilaa iyo hada ku guulaysatay in ay xalwaara kala dhexdhigto.

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More