Taiwan & Gobaladda Waqooyi oo kala saxiixday heshiis ay iskaga

Wakiilka ugu sareeya Taiwan ee Gobaladda Waqooyi Allen Lou iyo sii hayaha wasiirka arimaha dibada iyo caalamiga ah ee Gobaladda Waqooyi Liibaan Yuusuf Cismaan oo heshiis ku kala xixiixday Hargaysa 1 December 2020.

Dawladda Taiwan ayaa hawlgal farsamo ka bilawday Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Gobaladda Waqooyi Talaadadii iyadoo diirada lagu saaray iskaashiga labada dhinac ee caafimaadka, tikniyoolajiyadda iyo beeraha, sida uu sheegay xafiiska wakiilka ugu sarreeya Taiwan ee Gobaladda Waqooyi.

Sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray xafiiska wakiilka Taiwan ee Gobaladda Waqooyi, xaflad lagu furayay hawshan ayaa lagu qabtay xarunta ay ku leedahay caasimada Hargeysa waxaana ka soo qayb galay wakiilka ugu sareeya Taiwan ee Gobaladda Waqooyi Allen Lou iyo sii hayaha wasiirka arimaha dibada iyo caalamiga ah ee Gobaladda Waqooyi Liibaan Yuusuf Cismaan.

“Intii ay socotay xafladda, wufuudda labada dhinac ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis fulin ah oo ku saabsan Mashruuca Horumarinta Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka si kor loogu qaado iskaashiga labada dhinac” ayaa lagu yiri qoraalka.

Labada dhinacba waxa ay sidoo kale kala saxiixdaan hormarinta ICT-ga iyo mashruuca Beeraha kahor dhamaadka sanadka.

Lou oo ka hadlay intii ay xafladu socotay ayaa sheegtay in Taiwan ay sii wadi doonto in ay la wadaagto khibradeeda si ay uga caawiso Gobaladda Waqooyi in ay horumariso daryeelkeeda caafimaad iyo awooda caafimaad isla markaana ay ka faa’iideystaan muwaadiniinta reer Gobaladda Waqooyi.

Furitaanka mashruucaan waxaa suurta gashay kadib markii Wasiirka Arimaha Dibada ee Taiwan Joseph Wu iyo dhigiisa Gobaladda Waqooyi Yaasiin Xiir Fataroon ay kala saxiixdeen Heshiis Farsamo ee Iskaashi Qaab dhismeedka labada maamul bishii Agoosto 17, markaas oo Taiwan ay ka furatay xafiiska wakiilkeeda magaaladda Hargaysa.

Gobaladda Waqooyi waxa ay ku dhawaaqday madax-bannaanideeda 1991-kii ka dib dagaal sokeeye oo ka dhacay Soomaaliya. Waxa ay xafiisyo ku leedahay illaa toban dal, sida lagu sheegay bogga  wasaaradda arrimaha dibedda, laakiin looma aqoonsana in ay tahay dal madax-bannaan.

Bishii Febraayo, Taiwan iyo Gobaladda Waqooyi waxa ay kala saxiixdeen heshiis lagu dhisayo xafiisyo wakiillo is-dhaafsi ah. Taipei waxa ay xafiiskeeda ka furatay Gobaladda Waqooyi Aug 17, halka Gobaladda Waqooyi ay ka furatay xafiiskeeda Taipei 9-kii Sebtember.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More