Shaxda Rasmiga Ah Ee Arsenal vs Wolves – Arteta Oo Isbedelo

Arsenal ayaa dooneysa inay wadada guusha ku soo laabato ka dib barbarihii ay isbuucii la soo dhaafay la galeen kooxda Leeds United iyagoo caawa la dheelaya kooxda Wolves oo marti ku ah Emirates Stadium.

- Advertisement -

Gunners waxaa ka maqan caawa Nicolas Pepe oo casaan toos ah qaatay kulankii ay barbaraha la galeen Leeds iyadoo ay u bilaabaneyso seddex kulan uu ganaax ku maqnaanayo.

Waxaa isagana seegaya kulankaan xiddiga khadka dhexe Thomas Partey ayaa sidoo kale ka maqan Gunners madaama uu qabo dhaawac muruqa bowdada ah.

Willian oo qaab ciyaareed xun ku jira islamarkaana dhaawac yar qabay ayaa taam u noqday inuu ku soo bilowdo shaxda isagoo ka garab ciyaaraya Aubameyang iyo Saka.

Willock, Ceballos iyo Xhaka ayaa khadka dhexe ka ciyaaraya halka Mohamed Elneny uu kursiga keydka fadhiya ka dib markii uu ka soo kabsaday Korona Fayras.

SHAXDA RASMIGA AH:

Arsenal: Leno, Bellerin, Gabriel, Luiz, Tierney, Xhaka, Ceballos, Willock, Saka, Aubameyang, Willian.

Bedel: Runarsson, Holding, Cedric, Elneny, Nelson, Nketiah, Lacazette.

Wolves: Patricio, Marcal, Coady, Boly, Semedo, Moutinho, Dendoncker, Podence, Traore, Jimenez, Neto.

Bedel: Ruddy, Hoever, Ait-Nouri, Neves, Silva, Vitinha, Kilman.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More