Chelsea vs Tottenham – Taariikhda Blues Samayn Karo,

Chelsea ayaa garoonkeeda kusoo dhoweynaysa naadiga ay isku magaalada ka dhisan yihiin ee Tottenham oo uu ka dhaxeeyo xafiiltan weyn oo muddooyin badan soo jiray, kaas oo uu cirka kusii shareeray in tababare Jose Mourinho uu yahay macallinka Spurs, isla markaana xamaasaddiisii iyo shaxshaxdii lagu yaqaanay uu kusoo bandhigayo garoomada.

Ciyaartan oo muhiimad weyn u leh labada kooxoodba, ayaa midkooda badisaa ay la wareegi doontaa horyaalka Premier League, balse Tottenham ayaa xataa barbarro ay gasho ay siin doontaa inay usbuucii labaad oo xidhiidh ah haysato hoggaanka horyaalka.

Lababada naadiba waxay ku jiraan qaab ciyaareed cajiib ah, waxaana indho-sarcaad samaynaysa Tottenham oo noqotay wadka kooxaha waaweyn, horena usoo garaacday Manchester City iyo Manchester United oo ay lix gool ka dhalisay, laakiin waxa usii dheer inay ahayd kooxdii rikoodheyaasha ku garaacday Chelsea markii ay isku soo beegeen tartanka EFL Cup wareeggiisa 16ka.

Jose Mourinho ayaa doonaya inuu isku xaqiijiyo inuu yahay macallinka dhulka la dhaca kooxaha waaweyn, waxaana haddii uu maanta ka adkaado kooxdiisii hore ee Chelsea uu Axadda toddobaadka dambena la ballansan yihiin kooxda kale ee reer London ee Arsenal oo ugu tegaysa Tottenham Hotspur Stadium.

Dhinaca kale, Chelsea ahyay maalin taariikhi ah u tahay, waxaanay maanta ugu buuxdaa ciyaartii 1,000aad ee intii uu mulkiyadda naadiga lahaa Roman Abramovic, waxaanu ka doonayaa inay guul ugu dabbaal-degaan maalintan taariikhiga ah.

Ma jirto koox guulaha koobabka waaweyn kaga badan Chelsea dhamaan naadiyada Premier League kaddib intii uu Abramovic ahaa mulkiilaha, waxaanay qaadeen 16 koob iyadoo uu Jose Mourinho ahaa midka seeska u dhigay naadigan ee guulaha usoo bilaabay, laakiin Frank Lampard ayaa qayb laxaadle kasoo qaatay guulahaa isagoo ciyaartoy ah, waxaanu la qaaday 13 ka mid ah koobabkaas, waxaana kaliya ka koobab badan John Terry.

50 sannadood oo ay koobab la’aan ahaayeen, Jose Mourinho ayaa uu ahaa midkii u qaaday horyaalkii ugu horreeyey Chelsea kaddib Bill Nicolson oo xili ciyaareedkii 1960-61 u horseeday horyaalka, taas oo ka dhignayd inay lixdan sannadood qatanaayeen.

Chelsea ayaa xili ciyaareedkan awood soo bandhigtay waxaana si fiican ugu shaqaynaya saxeexyadii ay xagaagii samaysay, waxaase la is weydiinayaa haddii ay awood u yeelan karayso inay ka faa’iidaysato dhaawacyada wiiqay Liverpool iyo Manchester City oo daalaa-dhacaysa.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Chelsea vs Tottenham

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 7:39pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Stamford Bridge

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Lampard ayaa xaqiijiyey inuu kooxdiisa kusoo laabtay Christian Pulisic oo muddo dhaawac ku maqnaa. Sidoo kale, Kai Havertz oo uu ku dhacay Korona Fayras ayaa badqab ah oo jooga, halka xiddigaha Hakim Ziyech, Timo Werner, Callum Hudson-Odoi iyo Olivier Giroud ay dhamaantood ahaayeen xiddigaha shabaqa la saaxiibka noqday kulamadii ugu dambeeyey ee ay goolasha badan dhalinayeen.

Tammby Abraham oo saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey goolal soo dhalieyy ayaa rajaynaya inuu sii wadan doono rikoodhkiisa goolasha Blues, balse Olivier Giroud ayaa isaguna ku cadaadinaya tababaraha in la siiyo fursad uu kaga soo muuqdo safka hore, si loogu qancin karo inuu sii joogo naadiga xilli la sheegayo inuu tegayo.

Edouard Mendy oo shabaqiisa nadiif ka dhigtay toddoba ka mid ah 10kii ciyaarood ee uu u saftay Chelsea ayaa wax walba u samayn doona sidii uu Tottenham uga badbaadin lahaa inay shabaqiisa taabato kaddib ciyaartii hore oo uu shabaqiisa ka ilaashan kari waayey.

Mendy ayaa ka mid ah labada ciyaartoy ee ugu bandhigga wanaagsan horyaalka Premier League.

Dhinaca kale, Harry Kane oo qiyaastii 50kii daqiiqadoodba hal gool dhalinayey amaba caawin samaynayay ayaa u diyaarsan sidii uu difaaca Chelsea ugu heli lahaa xeelad uu ku dhaafo oo uu goolkooda ku gaadho.

Weeraryahanka reer England ayaa dhaliyey toddoba gool, sagaal kalena caawiye ka noqday xili ciyaareedkan bilowga ah, balse Son ayaa kasii sarreeya oo isaguna sagaal gool u dhaliyey Tottenham.

Spurs waxay haysatay laba maalmood ka yar maalmihii ay nasatay Chelsea, waxaana jira walaac ah in Toby Alderweireld uu uu dhaawacan yahay oo uu difaacu wiiqmi karo.

Erik Lamela ayaa sidoo kale ka maqan ciyaartan, waxa kale oo Mourinho aanu hubin haddii ay taam  noqonayaan ciyaartoyda jugta qaba ee Hugo Lloris, Giovani Lo Celso iyo Steven Bergwijn.

Warka wanaagsan ayaa waxa uu yahay in Matt Doherty uu soo laabtay kaddib maalmo uu korona Fayras u jiifay.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Chelsea: Mendy; James, Zouma, Silva, Chilwell; Havertz, Kante, Mount; Ziyech, Abraham, Werner

Tottenham Hotspur: Lloris; Doherty, Rodon, Dier, Reguilon; Sissoko, Hojbjerg; Son, Ndombele, Bergwijn; Kane

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More