Barcelona Oo Xaqiijisay In Laba Dhaawac Oo Kala Daran Soo

Guul-darradii Barcelona kasoo gaadhay kulankii Atletico Madrid ee xalay ee rikoodhka xun loogu diiwaangeliyey, waxa uga sii daran dhaawacyo soo gaadhay labada ciyaartoy ee laf-dhabarta u ah ee Gerard Pique iyo Sergi Roberto.

Gerard Pique ayaa qaybtii dambe dhulka ku dhacay, isla markaana awoodi waayey inuu lugihiisa si caadi ah ugu socdo, waxaana si toos ah garoonka looga saaray iyadoo labada garab ay hayaan kooxda dhakhaatiirtu.

Difaacan muhiimka u ah Barcelona ayay isku dhaceen Angel Correa oo jilibka kaga qabtay taakal, waxaana markiiba muuqatay xanuun iyo in aanu ciyaarta sii wadan karaynin.

Barcelona ayaa xaqiijisay in jilibka lugta midig uu dhaawac ka qabo Gerard Pique isla markaana sawirro laga qaadi doono Axadda maanta, halkaana laga ogaan doono inta uu le’eg yahay dhaawaciisu iyo muddada ay qaadan karto soo kabashadiisu.

Tababare Ronald Koeman ayaa 30kii daqiiqadood ee ugu dambeeyey ciyaarta waxa uu keenay Sergino Dest, halka uu Frenk de Jong u dejiyey difaaca oo uu buuxiyey booskii uu ka dhaawacmay Gerard Pique iyo Roberto oo khadka dhexe yimid.

Laakiin Roberto ayaa isagana ay u noqotay habeen madow oo guul-darrada uu ugu darsamay dhaawac, waxaanu garoonka iskaga baxay daqiiqadihii ugu dambeeyey iyadoo la waayey cid lagu beddelo.

Sergi Roberto ayuu dhaawac kasoo gaadhay muruqa bawdada xilli uu kubbad toogasho samaynayay, waxaanu isla markiiba is qabtay lugta iyadoo uu garoonkana ka baxay iyadoo aanay kooxdiisu haysanin cid ay ku beddesho.

War kooban oo ay Barcelona barteeda Twitter-ka ku qortay ayay ku xaqiijisay in muruqa uu dhaawac kasoo gaadhay Sergi Busquets, balse maanta sawirro laga qaadi doono.

Barcelona ayay hore dhaawac ugaga maqnaayeen Samuel Umtiti, Ronald Araujo iyo Sergio Busquets, waxaanay dhaawacan dambe kusoo beegmayaan xilli ay jadwal ciyaareed cidhiidhi ah ku jiraan.

Wargeyska Sport ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa waxa uu sheegay in Barcelona ay ka baqayso in difaaceeda Pique uu garoomada ka maqnaan doono 4 illaa 6 bilood, balse ay sugayaan natiijada kama dambaysta ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More