Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Ka

Pep Guardiola ayaa heshiiska cusub ee uu u saxeexay kooxdiisa Manchester City, waxa uu ugu dabbaal-degi doonaa hanashada horyaalka Premier League oo ay xili ciyaareedkan ku guuleysan doonaan, sida uu saadaaliyey Supercomputer oo soo saaray saadaal cusub kaddib kulamadii caalamiga ahaa ee dhaawacyada iyo xanuunnada ay kasoo qaadeen ciyaartoyda badan.

Liverpool ayaan awoodi doonin inay difaacato horyaalka ay sannadkii hore ku guuleystay, isla markaana ay kusoo afjartay 30 sannadood oo ay abaar kaga jirtay koobka.

Saadaasha cusub ee uu sameeyey Supercomputer waxay sheegaysaa in Manchester City oo kaalinta 10aad kaga jirta miiska kala-sarraynta, shan dhibcoodna ka hoosaysa Liverpool, inay noqon doonto horyaalka.

Jurgen Klopp ayay kooxdiisu kaalinta labaad ku dhamaysan doontaa kaddib dhaawacyada tirada badan iyo xanuunka Mohamed Salah oo hoos u dhigaya awooddooda xili ciyaareedkan, waxay se ka sarrayn doonaan Chelsea oo saddexaad geli doonta.

Jose Mourinho ayaa Tottenham kusoo celin doona afarta ugu sarreeya, waxaanay ku dhamaysan doonaan kaalinta afraad oo fursad u siin doonta inay xilli ciyaareedka dambe ka qayb-galaan Champions League, sida ay saadaasha Supercomputer tibaaxayso.

Leicester City, Manchester United iyo Arsenal ayaa kala geli doona kaalmaha shanaad, lixaad iyo toddobaad, sida ay magacyadoodu u kala horreeyaan.

Saadaashu waxay ka nixisay saddexda kooxood ee West Bromwich Albion, Fulham iyo Sheffield United oo ay u sheegtay inay xili ciyaareedka dambe dib ugu laaban doonaan horyaalka heerka labaad ee Championship, halka Burnley iyo Newcastle United ay dirqi kaga badbaadi doonaan.

Halkan kaga bogo saadaashii ugu dambaysay ee Supercomputer ee kaddib kulamada caalamiga ah.

16. Newcastle United

15. Brighton and Hove Albion

11. Wolverhampton Wanderers

5. Leicester City (Europa League ayay usoo baxaysaa)

4. Tottenham Hotspur (Champions League ayay usoo baxayaan)

3. Chelsea (Champions League ayay usoo baxayaan)

2. Liverpool (Kaalinta labaad ee Premier League)

1. Manchester City (Horyaalka Premier Leaguge)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More