Lionel Messi Oo Ka Hadlay Sababta Uu Nacay Barcelona Xilli

Rajadii ay Manchester City ay ka qabtay saxiixa Lionel Messi ayaa sarre u kacday ka dib markii uu qirtay inuu “ka daalay inuu mar walba yahay dhibaatada Barcelona.”.

Xiddiga reer Argentina oo 33 sanno jir ah ayaa ku soo laabtay Spain ka dib markii uu ku maqnaa xulkiisa Argentina, waxaana garoonka diyaaradaha uga horyimid baarayaal ka socda waaxda canshuuraadka dowlada Spain.

Saxaafada ayaa sidoo kale su’aalo ka weydiiyay hadal uu dhawaan sheegay wakiilkii hore ee weeraryahanka Barcelona Antoine Griezmann oo lagu magacaabo Eric Olhats.

Wakiilka ayaa sheegay in Messi uu yahay doqon isku dayay inuu dhibaateeyo Griezmann isagoo tilmaamay in xiddiga reer Argentina uu argagixiso ku noqday Griezmann.

Messi ayaa markii su’aalahaas la weydiiyay wuxuu ku jawaabay: “Waan ka daalay inaan mar walba aniga ahay dhibaatada.”

Isagoo ka hadlayay saraakiisha waaxda canshuurtaadka ee kula kulmay garoonka diyaaradaha, Messi ayaa yiri: “Waan imid, waxaana arkay saraakiil waaxda canshuuraadka ah oo su’aalo i weydiinaya, waa waali.”

Messi iyo aabihiis Jorge ayaa lagu helay canshuur lunsi bishii July 2016, waxaana lagu xukumay xabsi 21 bilood ah oo hakad ku jira. Xiddiga lixda jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa lagu ganaaxay 1.5 milyan ginni.

Waqtigaas wuxuu qirtay inuu doonayay inuu Spain uga tago sababo la xiriira canshuur lunsiga lagu eedeeyay.

Hadalka ka soo yeeray Messi ayaa argagax ku ah madaxda Barcelona iyadoo ay tilmaam u tahay inuusan qandaraas cusub u saxiixi doonin.

Qandaraaska Messi ee Barcelona ayaa dhacaya xagaaga soo socda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More