Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

“Sidaan Doonayo Waxba Uma Socdaan” – Xiddig Chelsea Ah Oo

Daafaca bidix ee kooxda Chelsea ee Emerson Palmieri ayaa shaaca ka qaaday sida uusan ugu qanacsanayn waxa ka socda kooxdaas balse uu taas bedelkeeda wanaag ku dareemo marka uu joogo xulkiisa qaranka Talyaaniga.Emerson ayaan ilaa hadda kulan horyaalka ah u ciyaarin Chelsea isaga oo dookha saddexaad ka ah booskiisa kana dambeeya saxeexa cusub ee Ben Chilwell oo kooxda 50 Milyan oo Pound ku yimid iyo Marcos Alonso.Emerson ayaa lala xidhiidhinayay inuu dib ugu laaban doono horyaalka dalkiisa Talyaaniga oo uu Inter Milan kula…

Mesut Ozil Oo Arsenal Ka Helay £8 Milyan Oo Gini Oo

Musut Ozil hal kulanna uma ciyaarin Arsenal muddo dhawr bilood ah, laakiin haddana joogitaankiisu waxa uu dhibaato ku yahay kooxda oo khasaare lacageed kasoo gaadhay.Sida uu qoray wargeyska The Athletic, Ozil ayay Arsenal siisay dhamaadka bishii September lacag gunno ah oo gaadhaysa £8 milyan oo gunno ah, taas oo qayb ka ahayd heshiiskii ay Arsenal la saxeexatay bishii January ee 2018kii ee ay doonayeen inay ku qanciyaan inuu sii joogo Emirates.Kubbad-sameeyaha reer Germany oo sannadkii 2013 ay Arsenal kaga soo iibsatay Real…

Liverpool Ayuu La Qaaday Premier League, LA Lakers Ayuu

Xiddiga NBA-da ee LeBron James ayaa soo afjaray sannad guulo ah oo uu gacanta ku dhigay wax kasta oo uu u tartamay, waxaana uu kasoo bilaabay guushii horyaalka Premier League ee kooxda uu saamiga ku leeyahay ee Liverpool ay gacanta ku dhigtay, taas  oo uu ku sii xigsiiyey kooxdiisa Los Angeles Lakers oo uu xalay kula guuleystay horyaalka kubadda kolayga Maraykanka NBA-da.LeBron James oo sannadkii hore kusoo biiray LA Lakers oo uu uga soo wareegay Cleveland Cavaliers ayay sannad kaliya ku qaadatay inuu kula guuleysto…

Muxuu Kylian Mbappe Ku Jawaabay Markii La Weydiiyey Inuu

Kylian Mbappé wuxuu haystaa rikoodh gool-dhalinta tartanka Champions League ah oo aanay gaadhin Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi markii ay da’doodu ahayd 21 jirka.Cristiano Ronaldo wax gool ah ma dhalinin intii ay da’diisu ka hoosaysay 21 jirka, laakiin intii ka dambaysay ayuu si layaab leh u shaqeeyey oo uu noqday laacibka taariikhda tartanka Champions League ugu goolasha badan, halka Lionel Messi ayaa dhinaciisa laba gool oo kaliya haystay waqtigii ay da’diisu ahayd inta uu Kylian Mbappe hadda jiro, kaalinta labaadna uu…

Ronald Koeman Oo Qirtay In Wijnaldum Ku Jiro Liiskiisa,

Tababaraha Barcelona ee Ronald Koeman ayaa markii ugu horreysay qirtay in xiddiga Liverpool ee Georginio Wijnaldum uu ku jiray liiska ciyaartoydii uu doonayay inuu lasoo saxeexdo ka hor intii aanu xidhmin suuqii xagaaga.Koeman ayaa waqtigaas lasoo wariyey inuu si weyn u doonayay inuu Camp Nou keensado Wijnaldum oo safka hore kaga jiray qorshaha uu doonayay inuu ku ciyaarsiiyo Barcelona, waxaana warar is-khilaafsanaa oo soo baxayay ay marba dhinac u dhigayeen xaaladda labada dhinac.Wijnaldum ayaa sidoo kale doonayay inuu helo…

Kylian Mbappe Oo Farriin Daacadnimo Ah U Diray Cristiano

Kylian Mbappe oo adeegsanaya bartiisa bulshada ayaa farriin daacadnimo leh u diray xiddiga reer Portugal ee Crsitiano Ronaldo kaddib markii ay soo dhamaatay ciyaartii Nations League ee France iyo Portugal ay barbarraha goolal la’aanta ah ku kala baxeen.Xulka qaranka difaacanaya Koobka Adduunka ee 2018 ee France iyo waddanka kusoo guuleystay Koobkii ugu horreeyey ee Nations League ee Portugal ayaa isku haleelay garoonka Stade de France ee magaalada Paris, halkaas oo ay ku sugnaayeen taageereyaal loo ogolaaday inay daawadaan…

Portugal Iyo France Oo Bar-bar Dhac Ku Hishiiyay Iyo

Xulalka Portugal iyo France ayaa ku heshiiyay bar-baro gool la’aan ah kulan ka tirsanaa tartanta UEFA Nations League xilli ayna labada xul soo bandhigin qaab ciyaareed fiican.Labada xul ayaa kulanka soo galay iyaga oo ku dagaalamaya Group-kooda iyaga oo labadooduba lahaayeen 6 dhibcood mid walbana isha ku hayo 3-da dhibcood ee Group-ka.Laakiin labada xul ayaa ku kala baxay Bar-baro gool la’aan ah kadib markii ay wax gool ah kala dhalin waayeen kulanka inkasta oo ay sameeyeen fursado fiican.Saaxiibada Cristiano Ronaldo ayaa…

Xiddig Ay Xagaagan La Soo Wareegtay Manchester United Oo

Saxiixa cusub ee Manchester United Facundo Pellistri ayaa durbaba qorsheynaya inuu kooxda ka tago.18 jirkaan ayaa Man United waxa uu kagasoo biiray kooxda reer Uruguay ee Penarol maalintii ugu danbeysay suuqa kala iibsiga isagoo Old Trafford ku yimid heshiis 9 milyan ginni ah, wuxuuna kooxda u saxiixay qandaraas shan sannadood ah.Pellistri ayaa durbaba ka hadlay jaceylka uu u qabo inuu ku laabto maalin uun kooxda Penarol laakiin waxa uu doonayaa inuu marka hore ka ciyaaro Premier League.Pellistri ayaa u sheegay Telemundo:…

Xiddig Weyn Oo Reer Brazil Ah Oo Mushahar Gaaraya Kaliya 270

Kooxda caanka ah ee reer Brazil Santos ayaa maanta oo Axad ah shaacisay in Robinho uu kooxda ku soo laabtay islamarkaana uu kooxda u ciyaari doono ugu yaraan ilaa iyo bisha Febraayo 2021.36 jirkaan oo ka soo baxay akadeemiga kooxda Santos ayaa kooxda koowaad u saftay kulankiisii ugu horeysay sannadkii 2002 ka hor inta uusan ku biirin Real Madrid sannadkii 2005.Warbixin ay soo saartay Santos ayaa lagu shaaciyay in Robinho uu qaadan doono mushaharka ugu yar ee laga qaato dalka Brazil isagoo bishii mushahar ahaan u qaadan doona…

Lacagta Uu Qaato Waxay Ka Badan Tahay Lacagta Soo Gasha Afar

Xaqiiqda ah in Cristiano Ronaldo uu yahay xiddiga ugu mushaharka badan horyaalka Serie A ma ahan lama filaan laakiin waxaa amakaak kugu noqoneysa xaqiiqda ah in weeraryahanka Juventus uu qaato lacag la mid ah ama ka badan inta aysan sameeyaan afar kooxood oo Serie A ka dhisan.35 jirkaan ayaa heshiis uu sannadkii ku qaadanayo 31 milyan euro waxa uu kula jiraa Juventus, afar kooxood oo Serie A ka dhisan ayaana miisaaniyadooda sannadkii ay la eg tahay lacagtaas ama ka yar tahay waxayna kala yihiin Udinese, Hellas Verona, Spezia…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More