Martin Odegaard Oo Dhaawaciisu Ka Xun Yahay Intii La
Martin Odegaard oo toddobaadkii hore uu dhaawac kasoo gaadhay kulamadii caalamiga ahaa ayaa xaaladdiisu kasii xun tahay sidii hore loo moodayay, waxaana tijaabadii caafimaadka ee Jimcihii uu maray lagusii sheegay in baadhitaanno kale uu marayo Isniinta maanta.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo waddanak Spain, Martin Odegaard ayaa dhaawac ka qaba muruqa lugta midig, waxaanu garoomada ka maqnaan doonaa muddo bil ah, waxaana sidaas lagu ogaaday baadhitaankii ugu dambeeyey ee Isniintii maanta.
BETIS-REAL MADRID
Laacibkan oo Real Madrid u saftay xili ciyaareedkan afar ciyaartoy oo saddex ka mid ah uu kusoo bilowday, ayaan joogin Sabtidii oo naadigiisa ay kooxda yar ee Cadiz kaga adkaatay 1-0.
Xiddigan oo hore uga cabanayay dhaawac jilibka ah oo uu kala soo laabtay Real Sociedad, isla markaana laga banbaaniyey qalliin la sheegay inuu u baahan yahay ayaa waxa uu dhaawacan cusub garoomada uga maqnaan doonaa muddo bil ah.
Martin Odegaard oo xulkiisa Norway u saftay labadii kulan ee Romania iyo Northern Ireland ee toddobaadkii hore, ayaa waxa uu seegi doonaa ugu yaraan lix ciyaarood, ka hor inta aan loo bixin fasaxa kulamada caalamiga ah ee bisha November.
Ciyaaraha uu maqnaan doono oo aan lagu darin kulankii Cadiz ee Sabtidii, ayaa waxay yihiin: Shakhtar Donetsk, Barcelona, Borussia Monchengladbach, Huesca, Inter Milan iyo Valencia, waxaana la filayaa inuu soo laaban doono kulanka Alaves ee November 29.
Los Blancos ayay hore uga dhaawacnaayeen Eden Hazard, Alvaro Odiriozola iyo Dani Carvajal oo muddo laba bilood ah garoomada ka maqnaanaya, halka Marco Asensio, Isco, Luka Jovic, Lucas Vazquez iyo Toni Kroos ay dhowaan kasoo kabteen.