Cabdiraxmaan Cirro oo xaqiijiyay in laga helay Covid-19! –

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Waddani ee Gobaladda Waqooyi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa facebook ku sheegay in maanta laga helay xannuunka Coronavirus. Cirro ayaa tilmaamay in uu galayo karaantiilka muddada xannuunka uu jirka qofka laga helo ku jirayo, inkasta oo uusan soo bandhigin haddii uu dareemayo xannuun iyo sababta keentay in laga baaro cudurka laga helay. Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ayaa tilmaamay in muddada 7-da cishe ah ee uu galayo karaankiilka (Dad ka…

Mareykanka oo ogolaaday daawo Hay’adda WHO ay sheegtay in ay

Waaxda Daawooyinka u qaabilsan Mareykanka ayaa shaacisay in ay ogolaatay daawada loo yaqaan Veklury oo lagu dabiibi karo xannuunka Covid-19 oo saameyn taban ku yeeshay guud ahaan caalamka. Daawadaan waxaa diidan awoodeeda Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka ee WHO, maadaama ay ku doodeyso in baaris lagu sameeyay lagu ogaaday in ay yartahay awoodda difaac ee xannuunka Coronavirus ay qofka siineyso dadka. Maamulka Cuntada & Daawooyinka Mareykanka FDA (Food…

Nin Soomaali ah kuna eedeysan Gudbinta Daroogo oo xukun lagu

Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo ah 28-sano jir Soomaali ah ayaa la horgeeyay Maxkamad kadib markii lagu helay gudbinta daroogo, isla markaana uu isaga qudhiisaba qirtay falkaas. Ninkaan ayaa Soomaaliya ka tagay kadib markii dagaaladii ka dhacay dalka lagu dilay Aabihiis, waxaana uu dhexda u xirtay sidii uu u maareyn lahaa noloshiisa & Eedadiis oo la nool sida uu maxkamadda kahor qirtay. Maxkamad Degmo oo ku taalla Mareykanka ayaa lasoo taagay Maxamed Cabdullaahi Maxamed…

India oo soo bandhigtay qorshe ay ku qaadeyso Muwaadiniin

marendra Modi Ra'iisul wasaaraha dalka Hindiya. Wasiirka Arrimaha dibadda Hindiya ayaa maanta oo Jimco ah sheegay in Dowladdiisu ay wado dadaal xooggan oo Magaalada Muqdisho ay uga qaadeyso 33 Muwaadin oo u dhalatay dalkaas oo ku xayiran Caasimadda Soomaaliya. Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu Wasiir arrimo dibadeedka India ku faah-faahiyay xiriirada kala duwan ee lagu qaadanayo muwaadiniintaan u dhalatay dalkiisa balse ku xayirmay Magaalada Muqdisho. Subrahmanyam…

Hogaamiyayaasha Qubrus, Masar & Giriigga oo Turkiga ku colaadinaya

Kulan hal maalin socday oo dhexmaray Hogaamiyayaasha Waddama Qubrus, Masar & Giriigga waxa ay uga hadleen colaadinta Dalka Turkiga oo xifaaltan dhanka dhaqdhaqaaqa Ciidanka, badda iyo siyaasadda ah. Hogaamiyayaasha saddexdaan waddan ayaa is tustay sida looga baahan yahay Xukuumadda Ankara ka qaybgalka kulan looga wada xaajoonayo sidii Xukuumadda Ankara looga dhaadhicin lahaa joojinta waxa ay ugu yeereen daandaansiga Bariga Mediterranean-ka. Kulankaan oo dhacay Arbacadii…

Laamaha ammaanka Hir-Shabeelle oo Baaris ka sameeyay

Magaalada Jowhar Xarunta DG Hir-Shabeelle waxaa howlgal ka sameeyay Ciidamada ammaanka Dowlad Goboleedkaas, Askar dhawaan la geeyay & Ciidamo katirsan DFS oo horay ugu sugnaa. Ujeedka Baarista ayaa lagu sheegay sugidda amniga & la socodka dhaq-dhaqaaqaha Xaafadaha Magaaladaas oo maalmaha soo socda martigelinaya Ergada u tageysa Doorashooyinka heer Federaal & heer Dowlad Goboleed. Afarta Xaafadood ee kala ah: Hanti wadaag, Horseed, Buula Sheekh & Kulmis waxaa la…

Galmudug oo soo Gudbisay xubnaha Guddiga Doorashada 20/21 ku

Hogaamiyaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa magacaabay xubnaha Guddiga farsamada & xalinta khilaafaadka oo laga doonayay 10-kii ilaa 20-ka bishaan oo muddo saddex cishe laga soo gudbay. Wakiilada Galmudug ee Doorashada Federaalka 20/21 ayaa la soconaya howsha xulista Ergada Beelaha, hubinta Waxgaradka iyo waxyaabaha la xiriira habsami u socodka doorashada Baarlamaanka Soomaaliya. Guddigaan ayaa la shaqeynaya xubnaha kale ee ka kala imaanaya DG Puntland,…

Uganda oo Ciidankeeda u diyaarisay Howlgal ka dhan ah

Taliyaha Ciidamada Uganda ee ku jira howlgalka Ururka Midowga Afrika AMISOM Gen. Richard Otto ayaa dhameystiray kormeyr qiimeyn ah oo uu ku tagay dhammaan saldhigyada Ciidamada UPDF-ta ay ku leeyihiin Koofurta Soomaaliya. Richard Otto ayaa tagay Difaacyada hore Ciidamada Uganda ee xiran Koofida Cagaaran Nabad ilaalinta Midowga Afrika, si uu qiimeyn ugu sameeyo xaaladda Askarta & sida ay u howlgalaan waqtigaan. Otto, waxaa wehliyay saraakiil sare sare oo ka socday Dowladda…

Doorashada Kuraasta Golaha Deegaanka Gaalkacyo oo lasoo

Koofurta Magaalada Gaalkacyo waxaa maanta lagu qabtay doorashada 13-kursi oo harsanaa dhameystirka 27-xubnood ee Golaha Deegaanka Magaaladaas oo muran ka taagnaa maalmihii lasoo dhaafay. Waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha DG Galmudug Cabdi Waayeel, mas’uuliyiin katirsan maamulka Gobolka Mudug & Magaalada Gaalkacyo, waxaana lagu hor doortay 13-ka kursi ee Golaha Deegaanka. Xubnaha la doortay waxa ay dhameystir u noqonayaan 27-ka Xubnood ee uu ka kooban yahay…

21-Oktobar-Afgembigii caddaa ee sababay daadashada dhiig

21-Oktober-1969, 6 Maalin kaddib dilkii Allaha u naxariistee Hogaamiye Cabdirashiid Cali sharma’arke  waxa ka dhacay Jamhuuriyadda Soomaaliya afgenbigii loo bixiyey Inqillaabkii caddaa, oo malaha loola jeeday in aan dagaal loo adeegsan hirgelintiisa, taasina waxa ay ku dhacday in koox ka tirsan ciidanka XDS oo derejo sare ka joogay ciidamadu ay si farsameysan u abaabuleen afgenbiga. Ka hor dilka Ahun Hogaamiye C/rashiid Cali Sharma’arke waxa jiray doodo ka taagaan doorashadii…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More