Skip to content
Wednesday, June 17, 2026 Mogadishu 29°C Breaking: Macron blasts U.S. for forsaking allies and breaking international rules
Breaking News
Axadle | Stay Informed with Horn of Africa Headlines

Saved stories

Sports

Chelsea Oo Goor Dhow Kooxdeeda Ka Dirtay Xiddig Ay Xagaagan

axadle_deg_deg

Kooxda Chelsea ayaa amaah hal xilli ciyaareed ah ku fasaxday daafac ay xagaagan la soo wareegtay Malang Sarr kaasoo ku biiray kooxda reer Portugal iyadoo suuqa kala iibsiga Portugal uu xirmayo maanta.

21 jirkaan daafaca dhexe oo magac ku sameystay kooxda Faransiiska ee Nice islamarkaana u saftay 119 kulan horyaalka Faransiiska ayaa xagaagan si xor ah ugu biiray Chelsea ka dib markii uu dhamaaday qandaraaskiisii Nice.

Malang Sarr ayaa qandaraas shan sannadood ah u saxiixay koxoda Chelsea iyadoo ciyaaryahanka iyo kooxda ay isla garteen inuu amaah ku baxo xilli ciyaareedkaan 2020-21.

Koox badan ayaa xiiseyayay 21 jirkaan sida kooxda Faransiiska ee Saint-Etienne iyo kooxaha Serie A ka dhisan ee Genoa iyo Sampdoria oo iyagana doonayay inay amaah ku qaataan.

Laakiin kooxda reer Portugal ee FC Porto ayaa haatan dhameystirtay saxiixiisa iyagoo bixinaya mushaharkiisa xilli ciyaareedkan.

Sarr ayaa ka ciyaara booska daafaca dhexe waxa uu sidoo kale ka dheeli karaa booska daafaca bidix.

FC Porto ayaa u baahneyd daafac bidix madaama ay Manchester United ka iibiyeen Alex Telles shalay halka Pepe uu daafac dhexe uga dheela uu 37 sanno jir noqday.

Sarr kaliya lama filayo inuu maanta ka tago Chelsea iyadoo ay jiraan xiddigo kale oo Chelsea u diri karto Portugal madaama suuqa Portugal uu furan yahay ilaa iyo maanta.

Victor Moses, Danny Drinkwater ayaa ka mid ah xiddigaha raadinaya inay ka tagaan kooxda.