Browsing Category
Somalia
Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.
Al-Shabaab oo sheegatay in ay weerartay Saldhigyo Ciidanka
Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerar ay u adeegsatay Hoobiyaal & qoryaha fud-fudud in ay ay ku qaaday saldhigyo Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Deegaannada kala ah Hoosinogw, Taabto & Degmada Afmadow.
Weerarkaan ayaa dhacay xalay saq dhexe sida Al-Shabaab sheegatayy, waxa uu socday muddo daqiiqado ah, mana soo bandhigin waxyeelo dhankooda gaartay & khasaare ay gaarsiiyeen Ciidamada Kenya.
Warbaahinta Al-Shabaab ayaa daabacday in weerarka oo ka bilawday Hoobiyaal lagu…
DFS oo sheegtay in ay dishay sarkaal Al-Shabaab u qaabilsan
DFS ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka ee DANAB lagu dilay sarkaal Al-Shabaab u qaabilsan qaybta Jabhadaha iyo lex kale oo la socotay.
Si gaar ah howlgalkaan waxa uu uga dhacay Gobolka Jubada Dhexe gaar ahaan Deegaanka Carabow oo qiyaastii 50-KM u jira Degmada Bu’aale, waxaana inta badan Gobolkaan gacanta ku heysa Al-Shabaab.
Xasan Sufyaan Qoorey waa magaca sarkaalka DFS ay sheegtay in ay ku dishay howlgalka ka dhacay Gobolka…
Baardheere oo lagu xiray dad lagu tuhmayo weerar lagu
Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo waxaa ka dhacay howlgal ay sameeyeen Ciidamada ammaanka DFS ay geysay Degmadaas, kadib markii la dhaawacay Hanti dhowraha Magaaladaas Cabdirashiid Cabdulqaadir Warsame.
Ninkaan ayaa la weeraray xili uu ku sugnaa Bartamaha Magaalada, dhaawac ayaa soo gaaray, waxaana la geeyay mid kamid ah Goobaha Caafimaadka ee ku yaalla Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo si loo daweeyo.
Kooxda weerarka fulisay ayaa baxsatay kahor inta aysan goobta tagin…
Degmada Warsheekh oo Lagu weeraray Haween & Carruur! –
Tuulada Rayla-weyne Degmada Warsheekh Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa ka dhacay weerar ay geysatay maleeshiyo hubeysan, waxaana ku dhintay Haweeney Umul ah & labo carruur ah, halka ay dhaawacmeen labo ruux oo kale.
Dhammaan dadkaan waa isku qoys sida Axadle uu u sheegay mid kamid ah ehelka Reerka lagu weeraray hoygooda, waxaana uu sheegay in ay baxsatay kooxdii falkaas geysatay, isla markaana aysan jirin cid ka socota maamulka oo u tagtay.
“Dhacdo aad u foolxun ayaa ka…
Netanyahu oo hambalyeeyay ‘saaxiibka weyn ee Israel’ Biden guushii doorashada Mareykanka
Raiisal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa axadii u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ka dib doorashadiisii isagoo sheegay inuu rajeynayo wada shaqeyn ay la yeeshaan maamulka cusub iyo sii xoojinta isbahaysiga labada dal.
Laga Badiyaha- hadda wuxuu ku dambeyn karaa xabsi
Waa la eedeeyay, la baaray oo la dacweeyay, laakiin markaas wuu baxsaday. Hada ayaa laga yaabaa in xilligiisii Donald Trump uu dhammaaday.
Qaar badan oo khubaro xagga sharciga ah ayaa rumeysan in Trump uu xabsi ku dhici karo dhowr sano gudahood - hadda maadaama looga adkaaday doorashada.
"Waxaan hubaa inuu argagaxay," ayuu yiri Tony Schwartz oo ah qoraaga Booga logu booga cirfiidka Trump.
Xiogaasho: Aftonbladet
Soo turjume Ali Musa
alimusa@axadletimes.com
Axadle media Group
Stefan Löfven: “Joe Biden waa shaqsiga ku habboon shaqadan”
Stefan Löfven: Waxaay ilaa tahay In "Joe Biden uu yahay shaqsiga ku habboon shaqadan" Raiisal wasaare Stefan Löfven ayaa sheegay inuu xiriir wanaagsan la leeyahay Joe Biden isla markaana uu rajeynayo inuu sii xoojiyo.
Laakiin ma uusan soohadal qadin dhaleeceynta adag ee dhigiissii hore u jeediyay Donald Trump.
- Uma jeedo inaan naftayda u huro darajo bixinta, ayuu yidhi Stefan Löfven.
Subaxnimadii Axada, Mudane Stefan Löfven ayaa qabtey shir jaraa'id, kaasoo ku saabsanaa gaar ahaan doorashadii madaxtinimada…
Sacuudiga oo ka walaacsan guusha Biden, weli aan hambalyada u dirin
Boqortooyada Sacuudiga ayaa kamid ah wadamada weli aan hambalyada u dirin Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Joe Biden.
Dowlada Sacuudiga gaar ahaan dhaxal-sugaha Maxamed Bin Salmaan oo xiriir wanaagsan la lahaa Donald Trump ayaa ka walaacsan balan-qaadkii Joe Biden uu sameeyey xiligii uu ku jiray ololaha Doorashada oo ahayd inuu joojin doono dagaalka ka socda dalka Yemen.
Sacuudiga ayaa taageero dhanka sahanka iyo saadka hubka ka heli jiray xukuumadii Donald Trump oo ku dhiiri-gelisay duulaankii ay ku qaadeen dalka…
Amniga & Doorashooyinka Billowga xasilooni la’aanta Gobalka
Madasha xisbiyada Qaran, Xisbiga Wadajir iyo hoggaamiyeyaal kale oo katirsan mucaaradka ayaa kahor yimid hannaanka loo maray dhismaha guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed,
War-saxaafadeed ay soo saareen ayay si cad oo qoraal ah ugu muujiyeen Walaaca ay ka qabaan xubno katirsan hay’adda Nabad-sugidda Qaranka,
Shaqaalaha madaxtooyada iyo kan rayidka oo ay xisbiyada mucaaradku ku xuseen Warsaxaafadeedkooda in ay kamid yihiin saraakiin katirsan Nabad-sugidda Soomaaliya- (NISA)
“…Waxaan si…
Abiy Axmed ayaa eryey Wasiirkiisii Arrimaha dibadda &
Raysul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa shaqada ka eryay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka, Taliyaha guud ee Ciidamadda, iyo taliyaha booliska federaalka, sidda ay warisay EBC.
Qoraal ka soo baxay xafiiska Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay in Demeke Mekonnen loo magacaabay Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Dibadda, isagoo bedelaya Gedu Andargachew oo xilkaas hayey tan iyo April, 2019.
Taliyaha guud ee ciidamadda qalabka sidda ee Itoobiya…