Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Qarax sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Duleedka

Qaraxaan oo ahaa Miino loo dhigay Kolonyo Gaadiid dagaal oo ay wateen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa ka dhacay agagaarka deegaanka Sinna-dhaqo duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta DG Galmudug. Inta la xaqiijiyay waxaa dhimatay labo askari halka dhaawac uu soo gaaray 9-kale, waxaana ay saarnaayeen Gaariga Qaraxa uu haleelay sida Axadle ay u sheegeen ilo xog ogaal ah. Askarta dhaawaca soo gaaray ayaa loo qaaday Isbitaal si loo daweeyo, waxaana howlgal sameeyay ciidamada…

Japan oo sanad u kordhisay Ciidameeda jooga Xeebaha

Sida ay Daabacday Wakaaladda Wararka Japan, muddo sanad ah ayaa loo cusbooneysiiyay Ciidamada badda dalkaas ee jooga Xeebaha Soomaaliya si ay ula dagaalamaan kooxaha burcad badeeda ah. Sanad kordhintaan ayaa dhacday maanta oo Talaado ah, kadib markii howlgalka la dagaalanka Burcad Badeeda Japan la gaarsiisay Warqad kasoo baxday Golaha Wasiirada oo loo ogolaaday in sanad kale ay sii joogaan biyaha Caalamiga & Xeebaha Soomaaliya. Wakaaladda Wararka u faafisa Japan ee loosoo…

UK oo taageereysa howlgal dib loogu furayo wadada isku xirta

Magaalada Baydhabo waxaa kulan looga hadlay Ammaanka Deegaannada DG Koofur Galbeed ku yeeshay Saraakiil ka kala socotay qaybta 60-aad ee CXDS, Daraawiishta, Wasiirada Amniga & Arrimaha Gudaha, waxaana taageeraya Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya. Saraakiisha kulanka ka qaybgashay ayaa soo jeedisay qorshaha Ciidan ee lagu qaadi karo go’doonka Degmooyinka ay ku jiraan iyo isu socodka waddooyinka ee u go’ay qaraxyada & weerarada Al-Shabaab. Wasiirka Arrimaha Gudaha DG…

Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo maanta dhageysanaya Khudbadaha

Maanta oo Talaado ah kuna beegan 10-ka November 2020 waxaa Magaalada Jowhar lagu dhageysanayaa khudbadaha 4-musharax oo isu diiwaangelisay doorashada Hogaamiyaha & ku xigeenka DG Hir-Shabeelle. Xubnaha Guddiga Doorashada ayaa guddonsiiyay shahoodooyinka aqoonsiga si ay u hortagaan Baarlamaanka labaad ee bixinaya codka lagu kala reebayo 4-ta Musharax si berri oo Arbaco ah kuna beegan 11-ka November 2020 uu maamulkaas u yeesho Hogaamiye & ku xigeenkiisa. Magacyada xubnaha…

DG Jubbaland oo dad u xirtay Bam Gacmeed lagu tuuray hoyga

Aargada Magaalada Kismaayo Inta la xaqiijiyay saddex ruux ayaa dhaawac soo gaaray kadib markii Bam gacmeed lagu tuuray hoyga Kismaayo uu ka degan yahay Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka DG Jubbaland Cabdi Baaley. Dadka dhaawacmay ayaa katirsan ehelka Guddoomiyaha, waxaana la sheegay in xiliga uu weerarka uu dhacayay in uusan ku sugneen hoygiisa, balse qaraxa kadib goobta ay tageen ciidamada ammaanka. Sida caadada ah, Askarta ammaanka DG Jubbaland ayaa ku dhaqaaqday baaris ay…

NGO Talyaani ah oo Soomaaliya uga baxay sababo la xiriira

INTERSOS, oo ah hay’ad samafal oo ay maalgelin ka hesha Qaramada Midoobay isla markaana daryeel caafimaad iyo adeegyo kaleba u fidisa boqolaal kun oo Soomaali ah, ayaa ka baxaysa dalka ka dib markii ay baaris lagu sameeyay lagu helay musuq maasuq badan xafiisyadeeda Soomaaliya. Wareysi uu bixiyay  Agaasimaha Guud ee INTERSOS, Kostas Moschochoritis waxa uu ku yiri “waa go’aan adag” oo la gaarey ka dib “dood weyn” oo la yeeshay NGO-ga. “Waxaan ogaanay inaanan hagaajin karin,”…

Abiy oo beeniyay in qarankiisu ‘Fowdo’ lugaha lagalay, halka

Hogaamiyaha ku guulaystay Abaalmarinta Nobel Peace Prize ee Ethiopia ayaa sheegay in qarankiisu uusan ku socon wado “fowdo”ah  inkasta oo guluf militari oo ka dhan ah gobolka Tigreega uu dalkaasi ka socdo, halkaas oo laga soo  wariyay weeraro cirka iyo dagaalo lagu dilay ugu yaraan lix qof maalmihii la soo dhaafay. Isqab qabsiga ka taagan gobolka waqooyi ee xadka la leh Ereteriya iyo Suudaan ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo dagaal sokeeye oo ka dhaca waddanka labaad ee ugu…

Kenya oo Damacsan in dhaqaale ay ka sameyso Soomaalida u

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Kenya Macharia Kamau ayaa ka hadlay damaca Kenya ee ah in ay dhaqaale ka sameeyaan Soomaalida sanad waliba u dalxiis tagta dalkaas & loolanka xooggan oo ay la galayaan Dowlado kala duwan. Waxa uu sheegay in sanad waliba Dal ku galka Kenya ay siiyaan 32,268-ruux oo dalxiis ahaan u tago waddankaas, balse qorshahooda uu yahay in ay kordhiyaan tiradaan, habka ugu fududna uu yahay in aan la adkeyn Fiisaha dalkaas. Waxa uu tilmaamay in ay jiraan Dowlado…

Hay’adda WFP oo Deked macmal ah ka hirgelineysa Hobyo! –

Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug waxaa maanta tagay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Dekedaha & kalluumeysiga DG Galmudug, waxaana qayb ka ahaa Danjiraha Talyaaniga ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ka socotay Hay’adda Cunnada u qaabilsan QM ee WFP. Ujeedka safarka wufuuddaan gaartay Hobyo ah ayaa ah in ay dhagax dhigaan Deked macmal ah oo dhaqaalaha ku baxayo ay bixineyso Hay’adda Cunnada Qaramada Midoobay wakiilka uga ah ee WFP. Heshiiskaan ayaa lagu saxiixay Magaalada…

Turkiga Ayaa Qabtey xubnood ka tirsan Daesh oo rabay in ay weeraran Saldhiga Incirlik

Booliska Turkiga waxay soo qabqabteen ku dhawaad 36 xubnood oo looga shakisanyahay inay ka tirsan yihiin Daesh, kuwaas oo ay ku jiraan qaar qorsheynayay inay afduubtaan xildhibaano iyo aqoon yahano isla markaana weeraraan Saldhigga Cirka ee Incirlik, howlgalada argagixiso la dirirka ee ka socda gobolada Istambul iyo Adana. Sida lagu sheegay bayaanka booliska, howlgalada waxaa loo fulinayey in lagu soo qabto tuhmanayaasha argagixisada Daacish oo lala xiriirinayo inay xiriir la leeyihiin kooxda argagixisada ee ka hawlgasha…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More