Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Cabdi Xaashi oo magacaabay Guddiga doorashada Gobolllada

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta oo Sabti ah magacaabay Xubnaha Guddiga hirgelinta Doorashada Dadban 20/21 ee Gobollada Waqooyi (Gobaladda Waqooyi). Guddiga uu magacaabay Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka kooban 8-Xubnood oo ka shaqeynaya Doorashada Soomaaliya 20/21 qaybta Gobollada Waqooyi ee Gobaladda Waqooyi si waafaqsan heshiiska hogaamiyayaasha heer federaal & heer Dowlad Goboleed. Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Aqalka sare…

Yaa ka qaybgalay Shirka wada-tashiga Musharixiinta

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay Shir Saddex cishe soconaya oo u dhaxeeya Hogaamiyayaasha Xisbiyada mucaaradka oo badi ah musharixiin ku hamineysa ka qaybgalka Doorashada Soomaaliya 20/21. Shirka waxaa ka qaybgalaya Mas’uuliyiin kala duwan oo qaarkood xilal heer federaal & heer Dowlad Goboleed soo qabtay si ay u tashtaan muranka ay ka qabaan xubnaha Guddiga doorashada 20/21, qaabka ay u wajahaan hogaamiyayaasha talada heysa & muujinta miisaankooda siyaasadeed.…

Liibiya oo laga qaaday Tahriibayaal kasoo kala jeeda

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee (UNHCR) ayaa sheegtay in ay Dalka Liibiya ka qaaday dad gaaraya 79-ruux oo ay geysay Waddanka Rwanda oo isla qaaraddaan Afrika ah. Afhayeen u hadlay Hay’adda ayaa sheegay in dadkaan oo la qaaday Khamiistii in laga dejiyay Garoonka Diyaaradaha Rwanda, sababtu waa in la badbaadiyo nolosha shaqsiyaadkaan Liibiya u tagay in ay ka tahriibaan. Hay’adda ayaa sheegtay in Xayiraadda Covid-19 ay saameysay isu socodka sahlanaa ee dadka…

Nin ku nasiibsaday Baasweerka Twitter-ka Trump oo Su’aalo la

Booliiska Netherland (Holland) ayaa su’aalo weydiinayay Victor Gevers oo ah Cilmi baare dhanka ammaanka Internet-ka oo sheegay in uu ku guuleystay gelidda Barta Twitter-ka Madaxwyenaha Mareykanka Donald Trump. Victor ayaa sheegay in uu tijaabiyay oo uu ku nasiibsaday lambarka sirta ah ee Cinwaanka Twitter-ka Hogaamiyaha Mareykanka Donald Trump balse ay u suuragashay in uu u furmo, sidaas uu gudaha ugu sii galay. Sheekadaan oo dhacday 22-kii Oktoobar 2020, waxaa loo arkaa in…

Hir-Shabeelle & Galmudug oo wadajir u raadinaya Maleeshiyo

Sawir hore Ciidamada ammaanka Dowlad Goboleedyada Hir-Shabeelle & Galmudug ayaa wada baaris wadajir ah oo ay ku raadinayaan nin saakay dilay mid kamid ah dadka deegaanka Bacda oo aan sidaa uga fogeyn Degmada Matabaan. Ninka dilka geystay ayaa baxsaday sida ay Axadle u xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka deegaanka, waxaana goobta gaaray Ciidamada ammaanka oo bilaabay baaris ay ku raadinayaan gacan ku dhiiglaha. Xiliga dilka uu dhacay waxaa loo fadhiyay gogol xal looga gaaraya…

Khayre oo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka raalli-geliyay

Raysul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo shalay dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa xalay hoygiisa ugu tagay Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Khayre ayaa Warsame kala hadlay weerarkii lagu qaaday hoygiisa ee dhacay 17-kii December 2017-kii, waxa uu xiligaas ahaa Raysul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan. Weerarkii ka dhacay Hoyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa uga dhintay xunbo la shaqeynayay,…

Jahawareerka Kheyre kaqaybsaday kubiiridda Mucaaradka! –

Hoggaamiyeyaasha xisbiyada Mucaaradka oo ay kujiraan madaxweyneyaal hore, Wasiiro, iyo Diblomaasiyiin  ayaa si wadajir ah u diiday in Xasan Cali Kheyre kaqaybgalo kulanka musharixiinta madaxtinimo oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, ujeeddada diidmada kulankaas waxa lagu sheegay eedo ay hoggaamiye mucaaradka qaarkood katirsanayaan Kheyre, eedahaas ayaa dhacay intii Xasan Kheyre hayey xilka Wasiirka Koowaad. Eedaha ay hoggaamiyeyaasha mucaaradku u haystaan Ra’isalwasaarihii…

Musharixiinta Doorashada 20/21 oo maanta ka tashaya sida ay

Maanta oo Sabti ah kuna beegan 21-ka November 2020 waxaa Magaalada Muqdisho ka furmaya Shirka wadatashiga Midowga Musharixiinta Hogaamiyaha Soomaaliya Doorashada 20/21 oo soconaya 21-ka ilaa 23-ka November 2020. Qodobada ay ka tashanayaan Musharixiinta waxaa kamid ah: Sidii ay u xoojin lahaayeen kulamadii ugu dambeeyay ee dhexmaray si ay u yeeshaan go’aan mideysan oo ay ku wajahayaan Doorashada 20/21 oo bisha December bilaabaneysa sida qorshuhu yahay. Sidoo kale waxa ay ka…

Kulanka Rooble & xubno kamid ah hormuudka Warbaahinta –

Todobo qof oo kamid ah hormuudka Warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa kaqaybgashay kulanka RW Rooble iyo hogaamiyayaasha xarumaha Warbaahinta, xafiisyada kulamada gaarka ah ee dhismaha XRW midkood ayuu kadhacay Shirku, laba xubnood oo kamid ah kooxda xiriirka iyo Warbaahinta oo fududeyneysay kulanka ayaa nala socday, Ra’isalwasaare Rooble oo buug iyo Qalin gacanta ku haysta  iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir  Cumar Finish ayaa sii fadhiyey Hoolka! Salaan iyo isbarasho kaddib…

Tedros Adhanom oo iska fogeeyay in uu taageera Militari

Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee loosoo gaabiyo WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa iska fogeeyay eedeyn uga timid Taliyaha guud ee Ciidamada Itoobiya oo ah  in uu taageera Militari siiyay Ismaamulka Tigray. Tedros oo qoraal soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay dhaliisha dusha laga saaray, isaga oo ku baaqay in wadahadal lagu dhammeeyo xiisadda Dowladda Federaalka Itoobiya & Ismaamulka Tigray. Sababta loo eedeeyay ayaa ah in uu kasoo…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More