Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Jabuuti oo shacabkeeda uga digtay jebinta xayiraadda ay ku

Jamhuuriyadda Jabuuti waxaa ka dhaqangalay amar lagu joojiyay isu socodka Xuduudaha muddo 15-cishe ah si loo xakameeyo Xannuunka Coronavirus oo kiisas horleh laga diiwaangeliyay waddankaas. Dowladda ayaa sheegtay in ujeedka ay ka leedahay uu yahay ogaanta halka uu kasoo laba-kacleeyay xannuunka Covid-19 oo kiisas cusub laga diiwaangeliyay qaybaha kamid ah Jamhuuriyadda Jabuuti. Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti Muumin Axmed Sheekh ayaa shacabka ugu baaqay in ay adkeystaan…

Golaha Shacabka BFS oo maanta u codeynaya Xukuumadda RW

Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS ayaa maanta cod gelinaya Xukuumadda uu magacaabay Raysul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble 19-kii Bishaan oo ku beegan isniintii todobaadkii tagay. Mudanayaasha Baarlamaanka waxaa loo diray fariinta Ajendaha kulankooda maanta oo ah U Codeynta Kalsooni Siinta Xubnaha Golaha Wasiiradda Magacaaban iyo Barnaamijka Xukuumadda. Raysul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in uu Golaha Shacabka la wadaago tallaabooyinka ugu horeeyo ee ay qaadeyso…

Dacwad-ooge & Garsoore ku muransan shaqada Maxkamadaha &

Saalax Cali Maxamuud oo ah garsoore katirsan Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa 20-October-2020 waxa uu soosaaray xaashida summaddeedu tahay M.G.B. DDL/242/2020, Garsoore Saalax waxa uu Warqaddaas u diray Drs Safiya Maxamed Maxamuud oo ah dacwad-ooge & kuxigeenka xeer illaaliyaha guud ee Qaranka, ujeeddada warqadda garsooruhu waxa ay ahayd xukunka ganaax lacageed oo Maxkamaddu ku ridday kuxigeenka xeer illaaliyaha guud dacwad-ooge Safiya Maxamed Maxamuud oo sida uu Xaashida…

Wada-shaqeynta Xeer-illaalinta & Maxkamadaha oo gaartay meel

Saalax Cali Maxamuud oo ah garsoore katirsan Maxakamadda gobolka Banaadir ayaa 20-October-2020 waxa uu soosaaray xaashida summaddeedu tahay M.G.B. DDL/242/2020, Garsoore Saalax waxa uu Warqaddaas u diray Drs Safiya Maxamed Maxamuud oo ah dacwad-ooge & kuxigeenka xeer illaaliyaha guud ee Qaranka, ujeeddada warqadda garsooruhu waxa ay ahayd xukunka ganaax lacageed oo Maxkamaddu ku ridday kuxigeenka xeer illaaliyaha guud dacwad-ooge Safiya Maxamed Maxamuud oo sida uu Xaashida…

President Buhari’s words and silence go badly with the protesters

After the army intervened on Tuesday night in Lagos against a peaceful youth rally that, according to Amnesty International, has left at least 12 dead and triggered a wave of looting and destruction in several southern states, Nigerians were all expecting a reaction from the president. But Muhammadu Buhari did not say a word about this drama in his speech on Thursday.…

Cabdiraxmaan Cirro oo xaqiijiyay in laga helay Covid-19! –

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Waddani ee Gobaladda Waqooyi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa facebook ku sheegay in maanta laga helay xannuunka Coronavirus. Cirro ayaa tilmaamay in uu galayo karaantiilka muddada xannuunka uu jirka qofka laga helo ku jirayo, inkasta oo uusan soo bandhigin haddii uu dareemayo xannuun iyo sababta keentay in laga baaro cudurka laga helay. Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ayaa tilmaamay in muddada 7-da cishe ah ee uu galayo karaankiilka (Dad ka…

Mareykanka oo ogolaaday daawo Hay’adda WHO ay sheegtay in ay

Waaxda Daawooyinka u qaabilsan Mareykanka ayaa shaacisay in ay ogolaatay daawada loo yaqaan Veklury oo lagu dabiibi karo xannuunka Covid-19 oo saameyn taban ku yeeshay guud ahaan caalamka. Daawadaan waxaa diidan awoodeeda Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka ee WHO, maadaama ay ku doodeyso in baaris lagu sameeyay lagu ogaaday in ay yartahay awoodda difaac ee xannuunka Coronavirus ay qofka siineyso dadka. Maamulka Cuntada & Daawooyinka Mareykanka FDA (Food…

Nin Soomaali ah kuna eedeysan Gudbinta Daroogo oo xukun lagu

Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo ah 28-sano jir Soomaali ah ayaa la horgeeyay Maxkamad kadib markii lagu helay gudbinta daroogo, isla markaana uu isaga qudhiisaba qirtay falkaas. Ninkaan ayaa Soomaaliya ka tagay kadib markii dagaaladii ka dhacay dalka lagu dilay Aabihiis, waxaana uu dhexda u xirtay sidii uu u maareyn lahaa noloshiisa & Eedadiis oo la nool sida uu maxkamadda kahor qirtay. Maxkamad Degmo oo ku taalla Mareykanka ayaa lasoo taagay Maxamed Cabdullaahi Maxamed…

13 candidates running in the November presidential election

In Burkina Faso, the Constitutional Council on Thursday evening, October 22, published the final list of candidates for the November 22 presidential election. Thirteen freer runners, including one woman. Among them the current president Roch Marc Christian Kaboré, but also Zéphirin Diabré, the leader of the opposition or Yacouba Isaac Zida, former prime minister of the transition, in exile in Canada.…

India oo soo bandhigtay qorshe ay ku qaadeyso Muwaadiniin

marendra Modi Ra'iisul wasaaraha dalka Hindiya. Wasiirka Arrimaha dibadda Hindiya ayaa maanta oo Jimco ah sheegay in Dowladdiisu ay wado dadaal xooggan oo Magaalada Muqdisho ay uga qaadeyso 33 Muwaadin oo u dhalatay dalkaas oo ku xayiran Caasimadda Soomaaliya. Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu Wasiir arrimo dibadeedka India ku faah-faahiyay xiriirada kala duwan ee lagu qaadanayo muwaadiniintaan u dhalatay dalkiisa balse ku xayirmay Magaalada Muqdisho. Subrahmanyam…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More