Ehelka Dadka uu Trump u diiday Degenaashaha Mareykanka oo

Hogaamiyaha Mareykanka Donald Trump oo lagu xusuusto tallaabooyin go’aanno adag ku dheehan oo uu qaatay mudada uu xafiiska joogo ayaa haatan wajahaya loolan doorasho oo uu markale ku raadinayo hanashada 4-sano oo kale. Dadka Mareykanka ayaa ku kala qaybsan go’aamada uu qaatay Hogaamiyaha, qaarkood ayaa ku taageersan oo waxa ay ku tilmaameen in ay xal u yihiin dalka, halka qaar kale ay qabaan in dhibaato ku tahay dadka iyo sumcadda mareykanka. Caqabadda ugu weyn ee uu wajahayo…

Jowhar oo la geynayo Ciidamo dheeraad ah si loo adkeeyo

Wasiirka Amniga DG Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan khayre ayaa kulan looga xaajoonayay sugidda ammaanka deegaannada Hir-Shabeelle la yeeshay saraakiil ka kala tirsan QM, AMISOM & Militariga DFS. Kulankaan oo ka dhacay Magaalada Jowhar waxaa lagu soo bandhigay culeyska Doorashooyinka waqti ahaan isku beegan ee lagu dhimasho maamulka Hir-Shabeelle oo muddo xileedkiisu dhamaaday & tan lagu soo dooranayo Kuraasta Xildhibaannada iyo Senatarada Aqalka Sare BFS. Hoggaanka…

Australia oo Mareykanka la gashay heshiis ogolaanaya dib u

A view of facilities at the Manus Island Regional Processing Facility in Papua New Guinea in 2012. For years, the facility has been used to indefinitely detain asylum-seekers; Australia and Papua New Guinea have now agreed to close it. Dowladda Australia ayaa dib usoo cusbooneysiisay heshiis dalkaas looga qaadayo Qaxooti doonaya in ay degenaashiyo ka helaan dalka Mareykanka oo kasoo kala jeeda dalal kala duwan oo caalamka ah. Australia ayaa dhaqaale ku siiso waddamada deriska ah…

Hogaamiye Lafta gareen oo maanta furaya kalfadhiga labaad

Magaalada Baydhabo xarunta KMG ah ee DG Koofur Galbeed waxaa maanta ka furmaya kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka 2-aad oo waayihii dambe ku maqnaa fasax, kadib markii uu soo dhamaaday fadhigii 1-aad. Baydhabo waxaa ku sugan wufuud kala duwan oo lagu casuumay ka qaybgalka furitaanka kalfadhiga waxaana kamid ah Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka BFS Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari & xubno kale. Hogaamiyaha DG KGS Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa furaya…

“Dadka waa in la hubiyaa balse ma ahan in la dhibo” Taliye

Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Xijaar oo uu wehliyo Taliyaha qaybta guud ee Booliiska Soomaaliyeeed Gen. Saadaq Cumar Maxamed ayaa xalay Muqdisho ka sameeyay Socdaal u kuurgelid amni ah. Saraakiishaan ayaa cagta marisay Degmooyin dhowr ah oo kala ah Howlwadaag, Yaaqshiid, Hiliwaa, Warta nabadda, Hodan kaaraan & Kaxda oo dhamaan baro kontorool ay ku leeyihiin ciidamada Booliiska Soomaaliya. Gen. Cabdi Xasan Xijaar Taliyaha Ciidamada Booliiska…

Wafdi ka socda ICC oo Sudan u tagay la wareegista Kiiska

Waddanka Suudaan waxaa tagay wafdi ka socda Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee loosoo gaabiyo ICC si ay ula soo wareegaan kiis dacweedka loo heysto Madaxweynihii ugu xil heynta dheeraa Jamhuuriyadda Suudaan Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir. Waxa ay la kulmeen hogaamiyayaasha Golaha KMG ah ee Suudaan si ay u suuragasho wareejinta kiis dacweedka loo heysto Al-Bashiir ee la xiriira in uu geystay dambiyo ka dhan ah Aadanaha muddada uu xafiiska joogay. Maxkamadda ayaa dhowr jeer…

Madaxweyne Deni oo 49-cishe kadib dib ugu laabanayo Garoowe!

Hogaamiyaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta dib ugu laabanayo Magaalada Garoowe xarunta Gobolka Nugaal oo uu ka safray 1-dii September oo haatan laga joogo 49-Cishe. Magaalada Muqdisho ayuu ku sugnaa intii u dhaxeysay 1-dii September ilaa 2-dii Oktoobar, waxa uu qayb ka ahaa hogaamiyayaasha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee kawada xaajootay doorashada 20/21. Madaxtooyada DG Puntland ayaa safarka 16-cishe ah ee uu Deni ku joogay Magaalada Nairobi ku…

DFS oo Magaalada Jowhar geysay Ciidanka gaarka u tababaran

DFS ayaa Magaalada Jowhar geysay Ciidamada gaarka u tababaran ee Haramcad sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan oo mustaqbal la wadaagay xogta geynta askartaan xarunta DG Hir-Shabeelle. Askartaan ayaa qayb ka ah ilaalinta ammaanka Magaalada Jowhar oo martigelineysa labo doorasho oo is dulsaaran waqti ahaan, waa tan Dowlad Goboleedkaas & soo doorashada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya. Qorshaha Dowladda ayaa ah in ciidan kale ay geysto Xarunta Gobolka Shabeelaha…

Xil heynta Waare & Cali Guudlaawe oo idlaatay! – Axadle

Muddo xileedka 4-sano ee Hogaamiyaha DG Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare & Cali-Guudlaawe Xuseen ayaa idlaatay 17-kii bishaan Oktoobar 2020 oo ku beegneed shalay oo Sabti ahayd. Inkasta oo uu Waare badalay Madaxweynihii hore ee maamulkaas Cali Cabdullaahi Cosoble, balse waxa uu dhameystire u ahaa muddo xileedka ka harsan waqtiga dastuuriga ah ee lagu simay awoodda xilheynta hay’adaha kala duwan ee maamulkaas. Qorshuhu waxa uu ahaa in la qabto doorashada madaxweynaha Dowlad…

Odoyaasha KGS oo sheegay in ay bilaabeen diyaargarowga

Odoyaal dhaqameed soo xulaya Ergada dooraneysa Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS ayaa bilaabay howsha ay isugu duwayaan Ergo beeleedyada leh kuraasta Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya. Waxgaradkaan ayaa labo cishe kahor la kulmay Hogaamiyaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen, iyaga oo isla meel dhigay sidii loo bilaabi lahaa diyaargarowga doorashada Baarlamaanka Federaalka. Labo qaybood ayaa look ala qaybiyay Odoyaashaan oo 15-kamid ah ay kasoo…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More