Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Sidee Soomaaliya u saamaynayaa hardanka Quwadaha aduunku ee

Diyaarad xamuul ah oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa deeq daawo ah soo gaarsiisay Soomaaliya May 2, 2020. Turkiga ayaa magaalada Muqdisho ka hirgeliyay safaaraddii ugu weyneyd ee Afrika ku taalo. Quwadaha aduunku ayaa ku hardamaya in saami laga siiyo gobolka Geeska Afrika wixii ka dambeeyay markii isbahaysiga milateriga ee Sucuudigu hoggaaminayo Maraykankuna uu ku lug lahaa ay  faragaliyeen dagaalkii Yemen ee sanadkii 2015, iyadoo wixii xilligaas ka dambeeyay gobolka Geeska Afrika uu noqday gobol istiraatiiji u ah…

Jubbaland oo xukun dil ah ku riday nin loo haysto weerarkii

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qaybta Jubbaland oo maalmahan waday dhageysiga dacwadda loo haysto Deeqow Caliyow Kuusow oo 19 jir ah laguna eedeeyay in uu kana mid ah Al-shabaabkii weerarka ku qaaday Hotelka Cas-casey ee magaalada Kismaayo 12 kii July sanadkii hore, ayaa maanta xukun ku riday dhagar qabaha. Dhageysiga kiisaskaan oo soo maray heerar kala duwan ayaa ugu dambeyn maanta maxkamadda ay soo saartay xukun dil toogasho ah oo lagy riday ninkaan magaciisa afgarashadu…

Antonio Guterres oo Xalka wax looga qaban karo Musiibooyinka

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres . 13-ka Oktoobar, waxaa loo aqoonsanaa maalinta caalamiga ah ee dhimista musiibooyinka dabiiciga ah, waxaana lasoo bandhigaa waddamada ugu badan ee wajahay halista iyo kuwa la saadaainayo in ay ku jiraan xaalad khatar ah! Saameynta ugu badan musiibadu waxaa dareema dalalka dhaqaalahoodu hooseeyo, kuwa wajahaya xaaladda soo kabashada, Aafooyinka dagaalka iyo musiibooyinka kale ee qaar aadanuhu uu sababta u yahay. Xoghayaha guud…

7-Cishe oo ka harsan waqtiga ugu dambeeyo ee Dhismaha

Doorashada Galmudug-2020 Saddex Cishe ayaa laga tallaabay 10-maalmood ee lagu go’aamiyay in lagu soo gaba-gabeeyo Guddiga farsamo ee hordhaca u ah guda-gelista doorashada 20/21 ee heshiiska ay ka gaareen Hogaamiyayaasha Heer Federaal & Heer DG. 1-dii bishaan Oktoobar, Madxda DFS & Dowlad Goboleedyada ayaa ku heshiiyay in la dhiso Guddiga Farsamo oo muddo ahaan ka gudbi karin tobanka cishe si uu dhaqangal u noqdo jadwalka ay dajiyeen. Magaalada Muqdisho iyo Xarumaha DG…

Madaxweyne Qoor-Qoor oo loo gudbiyay cabasho ka dhan ah

Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka labaad ee DG Galmudug oo ka careysan warqad uu soosaaray Guddoomiyahooda Maxamed Nuur Gacal isla markaana uu shaqada uga joojiyay Xildhibaan Cabdullaahi Axmed Calasow ayaa cabasho u gudbiyay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor. Xildhibaannadaan ayaa Qoor-Qoor u gudbiyay in uu wax ka qabto cabashadooda oo salka ku heysa buuq ka dhashay howlaha shaqo ee Baarlamaanka iyo awood sheegashada Guddoomiyahooda. Qaar kamid ah Xildhibaannada…

Qaybo kamid ah Isgoysyada Muqdisho oo dhagaxaanta laga

DFS ayaa muddo dheer kadib waxa ay dhagaxaanta ka qaaday qaar kamid ah isgoysada Magaalada Muqdisho oo qaarkood xitaa iskaba dhaafee Gaadiidka iyo mootooyinka ka gudubka dadka ay ku adkeyd. Halka isgoysyada qaar kaliya loo ogolaa Mootooyinka iyo Gawaarida heysta aqoonsiyada oo saf dheer marka ay galaan, hubin baaris ah ay maraan kadib loo ogolaan jiray in ay ka gudbaan gaadiidkaas. Goobjoogayaal la hadlay Axadle ayaa u sheegay xalay saq dhexe la qaaday dhagaxaantaas, isla…

Muxuu yahay walaaca Qaramada midoobay ka qabto Bangiyada

Guddi ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay, in Al Shabab ay malaayiin doolar ka hesho canshuuraha ayna dhaqaalahaas ku kaydsadaan  bangiyada maxalliga ah, sida laga soo xigtay warbixin cusub oo kasoo baxday Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay. Guddi khubaro ka socda Golaha Amniga oo dusha kala socda arrimaha Soomaaliya ayaa soo saaray warbixintaan, oo aan weli bulshada loo soo bandhigin, balse New York Times ay heshay nuqul kamid ah. Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay…

Ganacsatadda Turkiga oo ka digtay dhibaatada ka dhalanka

Dalxiisayaal ka dukaameysanaya suuq ku yaal Bodrum, Turkey 15-kii Sebtember, 2017 . Kooxaha hormoodka ka ah ganacsiga Turkiga ayaa ugu baaqeen Sacuudiga inuu joojiyo dhabar jabinta alaabada ay soo galayaan boqortooyada, iyagoo ka digay in ay taasi dhaawaceyso dhaqaalaha Turkiga iyo kan Sacuudiga. Bayaan ay soo saareen, hogaamiyayaasha sideeda koox ee ugu waaweyn ee ganacsiga ee Turkiga ayaa sheegay in shirkadaha Sacuudiga ay sheegeen in laga codsaday dalkooda in ay saxiixaan…

“September 2012-kii Koofurta & Bartamaha in ka badan 85%

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii 8-aad ee JFS Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay maalinta calanka Soomaaliyeed ee 12-ka Oktoobar oo maanta ku beegan ayaa sheegay dhibaatooyinkii loosoo maray. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in halgan dheer loosoo maray helitaanka calanka Soomaaliya oo maanta laga joogo 66-sano markii lasoo bannaan-bixiyay, isaga oo dib u xusuustay dhacdooyinkii uu waaya-joogga u ahaa. “AUN Halgame Maxamed Cawaale Liibaan…

Buurta ugu dheer Afrika oo dab ka kacay! – AxadleTM

Buurta ugu dheer ee Qaaradda Afrika (Kilimanjaro) ee Dalka Tanzania waxaa ka kacay dab ay sheegeen dadka kunool agagaarka Buurtaas in uu ku dhaliyay welwel nafeed, maadaama ay suuragal tahay in uu gaaro deegaanno horleh. Waaxda Beeraha lagu nasto Tanzania ee lagu magacaabo (Tanapa) ayaa sheegtay in uu socdo dadaal lagu daminayo dabkaas, si uusan saameyn taban ugu yeelan bilicda buurta oo ah meel loo dalxiis tago. Holaca dabka & Uurada cirka isku shareertay ayaa laga arkayaa…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More