Xisbiga Waddani oo sheegay in wado nabadeed oo kali ah lagu xalin karo xaalada Sool
Axad, September, 10, 2023 (AX) – Xogeeyaha Guud Xisbiga Mucaaradka Gobaladda Waqooyi ee Waddani ayaa sheegay in wado nabadeed oo kali ah gobolka Sool Gobaladda Waqooyi loogu soo celin karo.Xogeeye Khadar Xuseen Cabdi oo ka hadlayay xaflad qalinjabineed, ayaa sheegay in markasta oo dagaalku sii dheeraado ay dhibaatadu badanayso, iyo in Sool la’aanteed anay Gobaladda Waqooyi dowlad noqon karin.
“Markasta oo uu qof dhinto mushkilada ayaa sii fogaanaysa, midna aynu maskaxda ku hayno Gobaladda Waqooyi ayaynu rabnaa, oo dowladnimo ayaynu rabnaa, Sool la’aanteed walaahi ma dhacayso” ayuu yiri Xogeeye Khadar.
Waxa uu sheegay in anay suuragal ahayn in dadka reer Sool cudud millateri lagu maamulo, lakiin loo baahanyahay wado nabadeed.
“Waxa kale oo been ah Sool xoog intaan ku qabto oo aan laayo dadkeeda ayay ila joogaysa, ina rag walaal wuxuu ku dhaamo waa la waayaay nabad ayaynu u baahanahay” Xogeeye Khadar.
Dagaalka Laascaanood ayaa hada socda muddo sagaal billood ku dhow, isla markaana ciidamada Gobaladda Waqooyi ayaa dagaal 25 August dhacay lagaga soo saaray saldhigyadoodii duleedka Laascaanood, iyada oo laga cabsi qabo in markale ay dagaalo kale qarxaan.