Xisbiga Waddani oo sharci daro ku tilmaamay dacwada laga gudbiyay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Gobaladda Waqooyi

Xisbiga Waddani Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Dacwada Laga Gudbiyay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Gobaladda Waqooyi

Talaado, Juun 6, 2023 (AX) -Xisbiga Waddani oo sharci daro ku tilmaamay dacwad xil ka qaadis ah oo xukuumada Gobaladda Waqooyi ka gudbisay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Gobaladda Waqooyi Cabdirisaaq Khaliif Axmed.Musharaxa Hogaamiyaha ee xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook dacwadan ku tilmaamay mid sharciga baal marsan.

“Warqadda Xeer Ilaaliyaha Guud u qoray Golaha Wakiilada ee ku taariikhaysan maanta iyo warqadda Guddoomiyaha Maxkamadda Sare u qoray Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda JSL waxa ay marag cad ka yihiin in awooddii Dastuuriga ahayd ee Golaha Wakiilada JSL ay toos ula wareegtay Waaxda Garsoorku” ayuu yiri Cirro.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay in maxkamada iyo golaha wakiiladu ay kala madaxbannaanyihiin, isla markaana hadii xildhibaan golaha kamid ah maamuus ka xayuubin lagu samaynayo uu golaha oo kali ahi awoodaa leeyahay.

Ugu danbayntii, golaha wakiilada ayuu ugu baaqay in ay ka falceliyaan talaabada maxkamada, isaga oo sheegay in maxkamadu sharciyadeeda lumin doonto hadii ay kusii socoto talaabadan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept