Xisbiga Waddani oo aqbalay go’aankii guddida dhexdhexaadintu ay ka gaadheen khilaafka doorashooyinka Gobaladda Waqooyi

Xisbiga Waddani Oo Aqbalay Go'aankii Guddida Dhexdhexaadintu Ay Ka Gaadheen Khilaafka Doorashooyinka Gobaladda Waqooyi

Isniin, Agoosto, 28, 2023 (AX) – Xisbiga Waddani ayaa ku dhawaaqay in uu is buuxda u aqbalay go’aankii ay guddida dhaqanku kasoo saareen khilaafka siyaasadeed ee Gobaladda Waqooyi.Musharaxa Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ku dhawaaqay in xisbigiisu uu aqbalay go’aanka guddida dhaqanka.

“Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo magaca xisbiga Waddani dhamaantii waxaan halkan ka caddaynayaa, in aanu aqbalay go’aamadii ay xalay soo saareen ergada dhexdhexaadinta waday ee beelwaynta Habar-jeclo” ayuu yiri Cirro.

- Advertisement -

Musharax Cirro ayaa dhinacyada kale oo uu ugu horeeyo Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi, ayuu usoo jeediyay in ay aqbalaan go’aanka ergada madaama oo ay kalsooni buuxda ergada siiyeen.

“Xisbi ahaan waxaanu ku adkaynaynaa Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada, in la dhamaystiro dhamaan qabyooyinka sharci, dalka nina xoog kuma haysan karo, nin kalena qori caaradii ku iman karo” ayuu yiri Cirro.

Guddi dhaqan oo isku xilqaantay dhexdhexaadinta khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Gobaladda Waqooyi, ayaa xalay go’aamiyay in la isku sidko doorashooyinka ururada iyo madaxtooyada, ilaa iyo hada qaar kamid ah ururada cusub ayaa diiday go’aaanka guddida.

Waxa kale oo laga war sugaya madaxweynaha Gobaladda Waqooyi iyo xisbiga Kulmiye, oo la sheegay in ay iyaguna dhankooda kalsooni buuxda siiyeen guddida dhexdhexaadinta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept