Xisbiga Waddani: 32 sannadood hagrasho iyo hoggaan xumo ayaa dhacday

Isniin, May, 15, 2023 (AX) – Xisbiga Waddani ayaa Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi, ku eedeeyay in uu Gobaladda Waqooyi u horseeday dib u dhac.Xogeeyaha Cadaalada Ee Xisbiga Waddani Yoonis Axmed Yoonis, oo warbaahinta Hargaysa kula hadlay, ayaa sheegay in mudada 30 ka sanno ka badan ee ay Gobaladda Waqooyi jirtay aan la gaadhin horumar u dhigma.

“32 sannadood hagrasho iyo hoggaan xumo ayaa dhacday, oo dadka reer Gobaladda Waqooyi hoggaamiyayaashoodii soo maray iyada oo aan la dhaliilayn halkii la doonayay wali may gaadhsiin, ha ugu darnaado hoggaamiyaha maanta jooga” ayuu yiri Yoonis.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay in lixda sanno ee uu madaxweyne Biixi talinayay uu Gobaladda Waqooyi u horseeday dib u dhac “Wuxuu yimid dalka oo mida wadajira oo lixda gobolba ay Gobaladda Waqooyi gacanta ku hayso, gacantiisa ayuu ka saaray waana qorshe xumadiisa”.

Waxa kale oo uu madaxweynaha ku eedeeyay in uu umada ku dhaqay qabyaalad, eex, kalaqaybin iyo kalidiitalisnimo, ku xad gudub sharci iyo ku tumasho xuquuq aadame.

“Dad shacab ah oo 24 qof gaadhaya oo mudoharaad salmi ah samaynayay ayaa gacantiisa ku maqan, oo uu ku dilay Hargaysa, Burco, Ceerigaabo iyo Laascaanood” ayuu yiri Yoonis.

Waxa uu sheegay in uu madaxweynuhu ka leexday tubtii doorashada, taasi oo muujinaysa macangagnimo iyo in uu rabo in uu umada isku dhufto oo uu nabadgalyada waxyeeleeyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept