Xiddig U Ciyaara Man United Oo Halis Ugu Jira In Uu Maro Wadaddii Mason Greenwood.
Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Manchester United ee Antony ayaa laga saaray xulka Brazil sabab la xiriirta eedeymaha xadgudubka ee uu u soo jeediyay gabadhiisii hore.
Inkasta oo uu qaab ciyaareed liita ku qaadanayo kooxdiisa xiddig 23 jirka ah ayaa looga yeedhay xulka qaranka Brazil kulamada fasaxa xulalka.
- Advertisement -
Laakiin xidhiidhka kubada cagta Brazil ayaa xaqiijiyay in baadhitaano lagu bilaabayo xiddiga isla markaas laga saaray kulamada xulkiisa.
Xiddiga kooxda Arsenal ee Gabriel Jesus ayaa lagu soo badalay inkasta oo uu dhawaan ka soo laabtay dhaawac uu ku maqnaa.
Arinta lagu soo eedeeyay Antony ayaa la mid ah tii uu sameeyay xiddiga Mason Greenwood kaas oo laga caydhiyay kooxda.
Related