Xiddig Lala Xidhiidhinayo Liverpool Oo La Bar-Bar Dhigay Paul Scholes

#image_title

Weeraryahankii hore ee Manchester United Louis Saha ayaa bar-bardhig ku sameeyay bartilmaameedka Liverpool e Alexis McAllister iyo saaxiibkiisii ​​hore ee Old Trafford Paul Scholes.

Alexis McAllister ayaa ku dhaw in uu ku biiro kooxda Liverpool suuqa xagaaga iyada oo Reds wadahadalo kula jirto xiddiga koobka adduunka kula guulaystay xulka qaranka Argentine.

- Advertisement -

Xidigii hore ee xulka qaranka France ayaa qirtay in McAllister uu yahay ciyaartoy fiican isla markaana uu saxiix cajiib ah u noqon doono hadii ay ku guulaystaan saxiixa xiddiga.

“Alexis McAllister wuxuu u noqon doonaa saxiix u fiican Liverpool”Saha ayaa u sheegay Paddy Power.

Waxa uu intaa ku daray, “Wuxuu i xasuusinayaa xoogaa Paul Scholes, qaabka uu u ciyaaro, wakhtiyada xasaasiga ah ee uu dhiibayo kubada iyo waliba dhaq-dhaqaaqa uu samaynayo, waxa kaliya ee uu Scholes kaga dambeeyo ayaa ah Goolasha”.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Runtii aad ayaan ula dhacsanahay isaga, wuxuuna xaqiiqdii muujiyay inuu la qabsan karo koox kasta, Liverpool waxay u baahan tahay inay dib u cusbooneysiiso khadkeeda dhexe, marka waa tallaabo macquul ah”.

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept